Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Dagaal Culus oo ka qarxay Magaalada Kismaayo.

$
0
0

Muqdisho, 3 December 2015: Dagaal xooggan oo an la filaneeyn ee u dhaxeeya Ciidanka Booliska & Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa Saakay ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay in Iska-horimaadka oo u daxeeyay Labo Ciidanka oo Maamulka Magaalada ka wada tirsan, kaas oo ka dhacay Xaafad ku dhaw Madaxtooyadda Jubbaland ee Kismaayo. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidanka Daraawiishta ayisku dayee in ay ka raraan dadki deganaa Xaafada kuna amreen inay isaga guuraan Xaafaddaasi, oo ay sheegeen inay Ciidanka Daraawiishtu leeyihiin.

Ciidanka Booliska oo isku dayay inay arinta farageliyaan ayaa iska-horimaad kala kulmay kuwa Daraawiishta. Si la sheegay ugu yaraan labo qof ayaa ku dhawacantay dagaalkaas, xalaada magaaladana weli way kacsantahay.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles