Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta qaraar muhiim ah ansixiyay.

$
0
0

Muqdisho, November 29, 2015— Xildhibaannada Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyay qaraarka dib u eegista dhaqaalaha ku baxay dowladda, 5-tii bilood ee ugu horraysay sannadkaan sii dhamaanaya ee 2015-ka.

Xildhibaannada oo maanta kulan yeeshay ayaa cod ay u qaadeen ku ansixiyay qaraarka, sida uu sheegay Jeeylaani Nuur Iikar  oo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlammaanka Soomaaliya.

Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyay guddiga baarlammaanka u qaabbilsan maaliyadda, qorshaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Qaraarkaan ayaana ah mid muhiim ah oo sahlaya la xisaabtanka Hay’adaha Dowlada ee  lagu aaminay Hantida qaranka Soomaaliya taas oo ka dhaxeeysa dadka u dhashay Wadanka.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles