Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Dhainyaro Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan

$
0
0

12316602_747902665353589_5202610555571369475_n-620x264

Moqdisho, November 27, 2015 —Dhalinyaro somaaliyeed oo ah kuwa ka baxay jaamacadaha dalka ayaa u istaagay waxbarida caruurta Soomaaliyeed ee isugu jira agoon iyo danyar, ayaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ka hirgaliyeen xarun si lacag la aan ah wax loogu baro caruurtaasi, iyadoo dhalinyaradni ay ku midoobeen urur lagu magacaabo ururka mideynta Umadda Soomaaliyeed ee UHUMSO.

Mar aan booqanay xarunta wax ay ku bartaan caruurtaasi ayaa waxaa isoo jiitay sida ay ugu heelan yihiin horumarinta waxbarashadooda, waxaana xiligaasi ay qaadayeen heesta Soomaaliyeey Toos oo runtii qiiro wadaniyadeed I galisay sida quruxda badan ay u qaadayeen.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi u istaagay caawimaada caruurtaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Kaamil Cabdi oo aan wareysanay ayaa  sheegay in dhalinyaro Soomaaliyeed iyagoo ah ay is tuseen in muhiim ay tahay in aqoontooda ay ku garab istaagaan caruurta Soomaaliyeed ee danyarta ah ee aan iska bixin Karin qarashaadka laga qaado dugsiyada waxbarasho.

 

Caruurta Soomaaliyeed ee danyarta ah ee Waalidkoodu uusan awoodin in uu ka bixiyo qarashaadka laga qaado goobaha waxbarasho ayaa u baahan in xil la iska saaro waxbarashadooda, waxaana dhalinyaradani is xilqaamay iyo xaruumaha kale ee Muqdisho ku yaala kuwaa oo wax lagu baro caruurta danyarta ah ay tahay mid dhiira galin ah oo u baahan in dadaaladaasi la kordhiyo.

Waxa la rajeeynayaa in dhalinyarada wax baratay in y is xilqaamaan oo ay ku daydaan walaalahood kuwaas oo fikrad wanaagsan la yimideen

11045393_747902152020307_3818832765412112119_n12274742_747902812020241_6353062186967096812_n12316602_747902665353589_5202610555571369475_n-620x26412308461_747902382020284_8190313273273756450_n20150710_11382611image_01-111

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles