Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Odayaasha Gaalkacyo oo ku heshiiyay in la joojiyo dagaalka

$
0
0

Moqdisho, November 23, 2015 — Odayaasha dhaqanka ee Gaalkacyo, ayaa ku heshiiyay in dagalka iyo xiisadaha ka jiro magaaladaasi si deg deg loo joojiyo  Odayaashaan oo ku kala sugan Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa isku raacay inay isku yimaadaan saacadaha soo socda si ay u abaaraan goobaha ay ciidamadu isku hor fadhiyaan ka dibna ay u kala qaadaan.

Dagaalka Gaalkacyo, ayaa ka dhashay dhismaha wado laami ah oo Puntland ay dooneysay in ay ka dhisto Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, taas oo keentay isku dhac dad ku geeriyoodeen. Si kastoo ay ahaataba, waxaa la filayaa inay Odayaashaan ku guuleestaan kala qaadista dableeyda is hor fadhiya oo arin an culees badan laheen dhiig u daadinaya shacabka dhaxdiisana ku dagaalamayaan, taas oo keentay xasilooni la’anta ka jirto magaalada Gaalkacyo.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles