Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

INTERPOl oo raadinayso wiil Soomaali ah

$
0
0

Moqdisho, November 19, 2015 — INTERPOL oo ah Boliska Caalamka u qaabishan raadinta dimbiilayasha waaweyn, ayaa amray in la soo xiro Farah Mohamed Shirdon, oo ah Somalia Canadian ku biiray Dagaalamayaasha Daacish.

Farah, oo da’diisu tahay 22-jir, ayaa  waxaa adeer u ah Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo noqday Ra’isul-wasaarihii u horreeyey ee ay yeelato Dowladda Federalka ee haatan ka talisa Soomaaliya.

Qoraalka INTERPOL, ee la xiriira soo-qabashadda  wiilkaan, ayaa waxaa lagu asteeyey in loo baadi-goobayo waxa loo yaqaan  “Red Notice”, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku biiray Koox Argagixiso ah iyo inuu Dhallinyarro kale, reer Canadia ah ku qalqaaliyay kuna tashkiilshay inay ku biiraan Daacish.

Wiilkaan dhalin yarada ah, ayaa horey uga shaqeyn jirey Tiyaatar lagu daawado Aflaanta oo lagu magacaabo Chinook Mall Movie Theatre oo ku yaalla magaalladda Caglary ee galbeedka Canada

Farax maxamed Shirdoon, ayaa noqonayaa, Soomaaligii u horeeyay ee hay’ada INTERPOL ku eedeyso falkaan isla markaan ay dhul dhigto Ogaysiiskaan qatarta ah ee lagu raadiyo dadka aafadooda loo tabar iyo caal waayay.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles