Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Xildhibaanadii Loo Diray Baled-Xaawo oo shaaciyay wixii ay Soo Arkeen

$
0
0

xildhibano-195x110

Moqdisho, November 18, 2015 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi Xaqiiqo raadin ah u dirtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Dowladda Kenya ay ku xad gudubtay Dhulka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa tagay aaga uu muranku ka taagan yahay gaar ahaan Magaalooyinka Baled-xaawo iyo Mandheera,iyagoona soo arkay Xadgudubka Dowladda Kenya ay ku sameysay Dhulka Soomaalida.

Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Guddiga ayaa  sheegay in ay soo Arkeen sida ay wax u jiraan islamarkaana ay maanta warbixin dheer ka siin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed ee Xadka ku sugan ay diyaar u yihiin in Dowladda Kenya ay ka difaacdaan Dhulka oo ay doonayaan in ay la dagaalaan.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460