Moqdisho, November 14, 2015 — War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duullimaadka Maamulka Galmudug ayaa ku amartay Diyaaradaha Duullimaadka in ay ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha USHAKA ee Koofurta Gaalkacyo ku yaalla.
Maamulka Dowlada Galmudug, ayaa dhawaan furay Garoonkaasi,waxaana arrintan ay ku soo beegan tahay iyada oo Puntland ay diyaaradaha ka dega Garoonka Koofurta Gaalkacyo ka mamnuucday in ay dhankeeda ku degaan.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho