Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Madaxweyne Xasan “Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan gacan-ku dhiiglayaasha Xildhibaanka dilay”

$
0
0

Muqdisho- November 07 2015-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac saaka Muqdisho loogu geystay.

Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta Ummadda iyo Qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan cidi ka dambeeysay ee maanta sida gardarrada ah u toogtay Marxuum Maxamed Axmed Gurxan.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles