Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo shir caalami ah uga qeybgalaya Kigali

$
0
0

Muqdisho, November 03, 2015 – Magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Ruwanda waxaa ka socdsa Shirka Ciidamada Boliiska Caalmiga ee Interpol, Waxaana Soomaaliya shirkaas uga qeybgalaya Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Saraakiil kale.

Shirkani oo ah shir muhiim ah oo looga hadlayo Boliiska Caalamka ayaa waxaa ka soo bixi doona qodobo muhiim u ah howlaha Ciidanka Boliiska.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Boliiska Soomaaliyeed iyo baahiyaha ay qabaan.

20151102_093620

20151102_093104

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Trending Articles