Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa dadki laga soo badbaadiyay Hotel Saxafi

$
0
0

shiikh-nuur-baaruud1-e1446386040111

Muqdisho, November 01 2015 — Wararki ugu dambeeyay ee ka soo baxa qaraxi Hotel Saxafi ayaa sheegaya in dad ka badan 15 qofood ay ku geeriyootay, dhaawacana uu ka badanyahay. Dadkaas ayaa isugu jiray masu’ulin, saraakiil, xildhibaano iyo dad shacab ah.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax aad u weyn oo lagu dhiftay afaafka hore ee Hotelka, iyadoo kadib dabley hubeysan ay gudaha u galeen, dabadeedna is rasaaseyn is weydaarsatay ilaaladii hotelka.

Intii is rasaaseynta ka socotay gudaha Hotelka ayaa waxaa qarax labaad uu ka dhacay banaanka hore ee Hotelka, kaasoo ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd ee Hotelka gudaha u gashay.

Dadka ku dhintay qaraxa ee la yaqaanay waxaa ka mid ahaa Milkihiilihii Hotelka ahna Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir C/rashiid Shire Ilqeyte iyo Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-Badan oo la sheegay inay labaduba ay la dagaalamayeen dableydii hubeysneyd, isla markaana ay hubeysnaayeen.

Dadka laga soo badbaashay ayaa ka mid ahaa Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo asagu ka sheekeeyay sida wax u dhaceen.

Halkaan ka dhagayso Shekh Nuur Baaruud iyo wixi uu maqlay.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles