Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo booqday deegaanka Bandarqaali

$
0
0

unnamed-422

Muqdisho, October 31 2015- Madaxweynaya dowlad goboleedka Galmudug Abdikarim Hussein Guled oo maalmahaan dambe howlo shaqo u joogay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta safar dhanka ah ku gaaray deegaano ka tirsan Galmudug, si uu ugu kuurgalo xaalada deegaanadaasi.

Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Guuleed waxaa duleedka deegaanka Bandarqaali kusoo dhaweeyay Shacabka deegaankaasi oo uu horkacayay Maamulka deegaanka, waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa loo gudbiyay gudaha deegaankaasi Bandarqaali.

Maamulka deegaanka Bandarqaali ayaa Madaxweynaha uga warbixiyeen xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka degmada ku dhaqan, gaar ahaan baahiyaha dhanka Caafimaadka ah ee ka jira.

Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo shacabkiisa degmada Bandarqaali la hadlayay ayaa u balan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladiiaa usoo dhamaystirayo baahiyaha Caafimaad ee deegaankaasi ka jira, waxuuna Shacabka kula dardaarmay inay dowladooda la shaqeeyaan.

unnamed-140unnamed-514

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles