Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Taariikhda gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada

$
0
0

Muqdisho | October 29, 2015 –  Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa cusub ee magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),  ayaa wuxuu dhashay 1965, wuxuuna ku  dhashay magaaladda Muqdisho.

Waxabarashadiisii Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay Madrasadii Allahida 1980-1985, Dugsiga Sare wuxuu kaga baxay Machadka Albictha Alazhar al sharif ee  ku yaala magaaladda Cairo ee dalka Masar.

Guddoomiye Madaale ayaa  warbarashadiisa jamacadeed ku qaatay wadanka Masar sannadahii 2004-2008 , wuxuuna ka qalinjabiyay Jamacadda American Open Univertity ee magaaladda Cairo dalka Masar asaga oo ka bartay daraasaadka Islaamiyah Wal  Carabiyah, Sidoo kale wuxuu ka qaatay isla Al-azhar Al-shariif hal sano oo Cilmiga Bulshada.

Khibradiisa Shaqo

1986-1991, wuxuu ka shaqaynayay Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryaynta asag oo ka soo qabtay jagooyinka Madaxa Xafiisyada Logistics-ka iyo Wax soo saarka.

1992-1993, wuxuu soo noqday Agaasimaha Waaxda Batroolka ee Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta.

1993-1994, wuxuu noqday Agaasimaha Xafiiska Dagmada Wadajir ee Hy’atu-Al Culyaa.

1994-1996, Wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Gargaarka ee Hay’adda Muslim World League Laanta Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

1995-1997, wuxuu ahaa Xoghayaha Hay’adda Islamic Relief Association, Xafiiska Mudisho.

1996-1998, wuxuu Aas aasay Maamulena ka noqday Xarunta Agoonta ee Albirri, Muqdisho.

2004-2010, wuxuu wakiil u noqday Shirkada Daawada Al-mustaqbal, laanteeda Cairo, Masar.

2005-2008, wuxuu noqday Wakiilka Shirkadda Dahabshiil qeybta Ajaanibta  ee Cairo, Wadanka Masar.

2008-2013, wuxuu qabtay xilka Gudoomiyahay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta Bulshada ee Cairo, Wadanka Masar.

2010-2011  wuxuu noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Masar.

2009-2011, wuxuu xubin ka ahaa  Ururka Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Masar. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), intii uu ardayga ka ahaa Dalka Masar, wuxuu caan ku ahaa ka shaqaynta iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda, xoojinta xiriirka Jaaliyadda iyo kan dadka reer Masar, sidookale xoojinta xiriirka Safaaradda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda. Wuxuu aad uga digi jiray dhaqamada aan wanagsanayn oo ay qabyaaladdu ka mid tahay.

2011-2015, Wuxuu  ahaa xilka Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbga Nabadda Horumarka (PDP).

.

.

______________________

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles