Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Shir looga hadlaayo iskaashiga ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika oo maanta ka furmay New Delhi

$
0
0

Muqdisho, October 29 2015- Shirka Iskaashiga ee u dhaxeeya Hindiya iyo Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada New Delhi, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan in badan oo ka mid ah Madaxda Afrika.

Shirkan oo ah kii sedaxaad, ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo, kuwaasoo shalay gaaray magaalada New Delhi.

Arrimaha ugu waa weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah sidii iskaashi u dhex mari lahaa Hindiya iyo Afrika, sida maalgashi uu Hindiya ku sameeyo dalalka Afrika iyo waxyaabaha muhiimka ah ee Afrika soo saarto ee dalkiisa loo dhoofiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo ka hadlayay muhiimada uu shirkan u leeyahay Soomaaliya ayuu xusay in si gaar ah uga wada hadli doonaan arrimaha kheyraadka iyo korontada sidii la isaga kaashan lahaa.

Hindiya ayaa ah raad weyn ku leh Afrika, marka laga reebo Shiinaha, Turkiga iyo Mareykanka, kuwaas oo u xusul-duubaayay in ay ku adkaadaan maalgashiga Qaarada Afrika.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles