Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Puntland Oo Bahdilkii ugu weynaa u geysatay C/Kariim Guuleed

$
0
0

Muqdisho, October 28, 2015- Maamulka Puntland ayaa ka mamnuucay Diyaaradaha ka dega Garoonka Ushaka ee dhawaan laga furay Koofurta Gaalkacyo in aysan ka degi karin dhinaca Maamulka Puntland,waxaana ugu horeeyay Sharikad lahayd Diyaaraddii ugu horreeysay ee ka degtay Garoonka ay Galmudug ka furtay Gaalkacyo oo laga mamnuucay in ay ka degto dhinaca Puntland.

Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa lagu sheegay inay shirkadaan jabisay amarkii horey maamulka Puntland ugasoo saartay isticmaalka garoonka, kaasoo Puntland ku sheegtay inuu yahay garoon sharci darro ah oo qatar ku ah ammaanka iyo badbaada diyaaraddaha.

Hadalkan waxaa uu Liddi ku yahay hadal uu dhawaan sheegay ku simaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo sheegay in aysan Puntland ka xumeyn Garoonka laga furay koofurta Gaalkacyo.

punn

Source: Banadirnews 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles