Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Maamulka Gobolka SH/Dhexe oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka uu fahataadda webiga saameeyay

$
0
0

fatahaad-620x264

Muqdisho, 27 October, 2015: Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shegay inay wadaan dadaalo looga hortagayo in webiga shabeelle uu fatahaad sameeyo, madaama dhawaan dhanka Mahadaay uu webiga ka soo fatahmay, kaasi oo sababay barakac aad u fara badan.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo sidii ay gacan ugu siin lahayd ka hortagidda in webiga uu fatahaad sameeyo, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan fatahad u webiga ka geystay degmada Mahadaay ay ku barakaceen qoysas badan.

Axmed Meyre Makaraan ayaa xusay in dadaal ay ugu jiraan sidii gurmad u gaarsiin lahaayeen qoysaska ka barakacay degmada Mahadaay ee uu saameeyay wabiga Shabeelle, waxaana uu ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda, maadaama kan maamul ahaan

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles