Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Naafada xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martiini oo deeq raashin ah la gaarsiiyay

$
0
0

 

muqdishoMuqdisho, 25 October, 2015: Taliyaha Cidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta raashiin gaarsiiyay naafada Xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martiini, kadib howlo kormeer ah oo uu ku tegay isbitaalka.

Taliyaha iyo xubnihii la socday waxa ay ka dhagaysteen warbixinno ku saabsan xaaladooda nololeed, iyagoo taliyaha la wadaagay daruufaha ay ku nol yahiin xilligaan  oo ay ugu horeyso daryeel  la`aan .

Abaanduulaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo areeyo Guuto Cali baashi Axmed ayaa tilmaamay in deeqda raashinka ah ay gaarsiiyeen naafada xoogga dalka uu yahay mid loogu talagalay in noloshooda lagu maareeyo.

Taliyaha Cidanka xoogga Dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo la hadleyay ciidamadaasi ayaa si qiiro leh u sheegay in aan loo dul qaadin karin  in cidamada ku naafoobay difaaca dalka si micno daro leh looga saaro hoyga ay xiligan ku nool yahiin.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa balan qaaday in si joogta ah ay u  hila doonan xaquuqda ay dowladda ku leeyahiin naafada xoogga dalka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles