Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Shaqaalihi diyaaraddii Dhacday oo loo duulinayo dalkooda

$
0
0

diyaarad1-280x175

Muqdisho, 17 October 2015 – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq  Cumar Maxamed  ayaa sheegay in ay dalkooda dib ugu laabanayaan shaqaalaha  diyaaraddii ku soo dhacday  Dhawaan Deegaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada muqdisho.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa Xusay  in shaqaalahaas ay  Dhammaantood Bad-qabaan, iyadoo la filayo inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Shaqaalaha diyaaradda oo uu kujiro Duuliyihii Diyaaraddaas ayaa ka kooban lix  ruux  oo dhamman ka soo jeeda dalka Masar, waxaana  lagu wadaa  in Waqtiyada Soo socda loo duuliyo dalkooda.

Diyaaradda oo ahayd mid Xamuul ah ayaa dhawaan ku soo dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Nooca Diyaradda oo ahayd Airbus 300 waxa ay ka diiwaan gashaneeyd shirkad laga leeyahay dalka Masar, iyadoo ay xusid mudan tahay in wax qasaare sidaa u badan aanay gaarin diyaaraddaas iyo shaqaalihii saarnaa oo dhammaan Bad-baaday sugayana iminka inay dalkooda dib ugu laabtaan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles