Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Diyaarad mar dhow ku dhacday duleedka Afgooye

$
0
0

war-deg-der

Mogadishu, 12 October 2015- Diyaarad weyn oo nooca rakaabka ah ayaa caawa fiidkii ku dhacday inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye.

Taliye ku xigeenka saldhigga Booliiska ee degmada Afgooye Laba xidgle Cabdullaahi Xaaji ayaa xaqiijiyay in diyaaraddaasi ku dhacday inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo Afgooye wuxuuna intaasi ku daray in dadkii saarnaa oo ka koobnaa Lix qofood oo ajaanib ah ay ka soo badbaadiyeen ayaga oo nabad qaba, dayaradana bur bur weyn kama muuqan.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in durbadiiba ay gaareen halka diyaaraddu ku dhacday ciidamada booliiska iyo kuwa Daraawiishta, wuxuuna xusay in bur bur weyn uusan soo gaarin diyaaraddaasi.

“Ciidamada ammaanka Afgooye ayaa markiiba gaaray halka diyaaraddu ku dhacday waxaana ka soo saarnay lix qofood oo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, duuliyihii diyaradda ayaana ka mid ah dadkaasi oo dhamaantood ah ajaanib, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa goobta soo gaaray mana naqaano cidda iska leh diyaaradda” ayuu yiri taliyaha.

Wixi soo kordha kala xiriir Qaranimo Online.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles