Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Wasiirka Howlaha Guud oo u safray dalka Talyaniga

$
0
0

salax

Muqdisho, 11 October 2015- Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Egn Saalax Sheekh Xuseen oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayay  Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Safar Shaqo oo uu ugu Ambabaxay dalka Talyaaniga.

halkaasi oo uu kulamo looga hadlayo doorka Dowladda talyaaniga ay ka qaadan karto dar-dar galinta dib udhiska dalka  oo kula soo qadan doono dhiggiisa dalkaasi, Waxaan Garoonka diyaaradaha ku sii sagoodiyay Mas’uliyiin katirsan Wsaaaradad iyo ku-simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud iyo Dib dhiska.

Wasiirka howlaha guud iyo dibo dhiska  Egn Saalax Sheekh Xuseen  ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dhigiis dalka talyaadhiga uu kale soo hadlo doono Arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Garoonkii kooxda kubadda Cagta Jeenyo ee Maqaalada Muqdisho.

Egn Saalax Sheekh Xuseen wasiirka howlah guud iyo dibo dhiska dalka oo hadalkiis siiwata ayaa sidoo kale sheegay in kusii wajahan yahay Dalka UK Halkaasi  oo uu kulamo kula soo qaadan dooono dhiggiis dalkaasi, isagoo kula hadli doono  Xoojinta xiriirka ka dhexeyay labada dalka iyo doorka ay dowlada UK ka qaadan karto dib u dhiska dalka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles