Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Qaahira heshiis kula saxiixday Shirkad ganacsi

Mogadishu, 2 October 2015: Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo matalaya Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar heshiis ganacsi kula saxiixay Shirkad lagu magacaabo Egyptsom oo ka shaqeyneysa horumarinta ganacsiga labada Wadan ee Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiskani oo u gogol xaaraya in labada wadan ganacsi wanaag uu dhexmaro iyadoo dalka Masar loo dhoofin doono xoolaha nool,qudaarta,kaluunka iyo waxyaabaha kale Soomaaliya laga dhoofiyo, waxaana shirkada Egyptom ayana Soomaaliya ay u soo dhoofin doontaa raashinka,daawada,qalabka dhismaha iyo waxyaaba kale oo ganacsiga ah islamarkaana Soomaaliya muhiim u ah.

Shirkadda Guddoomiyaha uu la saxiixday heshiiska oo ah shirkad gaar loo leeyahay ayaa dhawaan  balanqaaday in ay ka shaqeyn doonto horumarinta Xoolaha ku dhaqan gobolka Hiiraan, iyadoo mas’uuliyiinta shirkada dhawaan ay booqasho ku tageen magaalada Beledweyne oo ay ugu kuur galayeen mashaariicda ay doonayaan in ay ka hirgaliyaan, waxaana dalka Masar maalma ka hor guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu tababar u soo xiray dhalinyaro maamulka gobolka Hiiraan uu u diray in tababar ay ku soo qaataan dalkaasi oo ku saabsan horumarinta xoolaha iyo beeraha.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo qadka Teleefoonka aan kula xiriirnay marka heshiiska uu saxiixay kaddib ayaa sheegay in shirkadani ay wax badan ka qaban doonto horumarinta ganacsiga uuna dhex mari doono xiriir ku dhisan walaaltinimo ayna ka rajeynayaan in wax badan  ay ku soo kordhiyaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u joogay dalka Masar ayaa kulamo kale duwan la qaatay mas’uuliyiinta wadanka masar iyo xubna ka socda wadamada jaamacada carabta, isagoo kala hadlay sidii gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya ay ugu fulin lahaayeen mashaariicyo horumarineed, kuwaa oo balanqaadyo u sameeyay fulinta baaqa uu u jeediyay, waxaana sidoo kale warbxino uu ka siiyay horumarka maamulka gobolka hiiraan uu ka sameeyay gobolka  kheyraadka uu caanka uu ku yahay iyo sida ay ugu baahanyihiin in lagaga gacan siiyo horumarintooda sida beeraha xoolaha wadooyinka, iyo arrimo kale.

Heshiiska ayaa ku siman 20 sano, waxaana shirkadani Soomaaliya ay ka howl bilaabeysaa bartamaha bishani October ee sanadkani.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
12067948_726739454136577_2092057693_n
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12071504_726739474136575_1832816960_n

Image may be NSFW.
Clik here to view.
12119544_726740884136434_681306453_o

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460