Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo Maanta Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis is-afgarad ah

$
0
0

IMG_00512-620x264

Muqdisho, 30 September, 2015: Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu horumarinayo ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Heshiiskan oo muhiimadiisu tahay tababaridda ciidanka booliska iyo la dagaalanka argagixisada ayaa waxa wajigiisa koowaad lagu bilaabayaa maamulka Puntland,iyadoo ay ku kaceysa lacag dhan 1 milyan oo doolar.

Munaasabadda heshiiskan lagu saxiixayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa kulanka heshiiska lagu kala saxiixayay waxaa goob jog ka ahaa Raiisul wasaaare ku xigeenka xukuumada faderalka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ,Safiirka Soomaaliya ee dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan,qunsulka safaarada Cali Maxamed Sheekh (Cali Begadi)safiirka mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Raymond W. Stephens, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, iyo wasiirka maaliyada ee maamulka Puntland Cabdullahi Sheikh Axmed.

Heshiiskan ayaa waxaa ka faa’ideysan doono dhammaan ciidanka booliska ee dowlada dhexe iyo kan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dowlada mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya ka taageerto dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka ara gagixisada.

ghty-300x200

ghty-300x200ghty-300x200

IMG_00563-300x200


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles