Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Ciidamada Israa’il oo gudaha u galay masjidka Aqsa

$
0
0

Muqdisho, 28 September 2015: Saakay, waaberigi hore, ayeey ciidamada Israa’iil markale gudaha u galeen Masjidka Barakeysan ee  Al Aqsa.

Ciidamada Israa’iil ee  galay Masjidka ayaa  weeraray dad Muslimiin ah oo halkaasi ku cibaadeysanayay..

Waxaana saaka oo isniin ah la arkayey qaar ka mid ah Askarta Isra’iil oo saaran dusha sare ee Masjidka, waxaana arrintaasi aad uga xumaaday dadka muslimiinta ah.

Boqollaal Falastiiniyiin ah ayaa qeybo ka mdi ah gudaha Masjidka  ku dhex jira kuwaasoo doonaya iney masjidka ka difaacaan ciidamada Israa’iil ee hadda ku sugan qeybo ka mid ah Masjidkaasi.

Yuhuudda xagjirka ah ayaa  doonaya in Masjidka qeyb ka mid ah la wareegaan si ay uga dhistaan goobo ay ku cibaadeystaan,.

Falastiiniyiinta iyo dadka muslimiinta ah ayaa si weyn uga soo horjeeda gelit.aanka ciidamada Israa’iil ee masjidka Al aqsa.

.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles