Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Maman Sidikou oo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya

$
0
0

 

images4

Muqdisho | September 22, 2015 – Maman Sidikou Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, , ayaa ku baaqay in la kordhiyo yaageerada dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xasiliyo guud ahaan dalka.

Danjiraha oo ka hadlayay xuska maalinta nabadda ayaa sheegay in ammaanka dalka uu soo hagaagayo maalinba maalinta ka dambeysa, dalkana uu ka soo kabanayo dagaalada sokeeye ee uu soo maray.

“Ma yaraysan karno awoodda dadka ku howlan dadaallada lagula dagaallamayo rabashadaha, laguna xoojinayo nabadda,” ayuu yiri danjiraha.

Wuxuu sheegay in mustaqbal ifaya oo Soomaaliya hesho uu ku xiran yahay xoojinta dadaallada wada-jirka ah oo lagu horumarinayo nabadda.

Sidoo kale Danjiraha  ayaa sheegay in AMISOM ay kaalin wanaagsan ka qaadaneyso nabad ku soo dabbaalida dalka, iyadoo xoojisay howlgalkeeda milateri ee ay ku wiiqeyso awoodda kooxda Al- Shabaab.

 

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, oo taageero ka heleysa AMISOM iyo beesha caalamka, ay ku dadaaleyso soo celinta nabadda dalka.

Danjiraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dowadda kala shaqeeyaan sidii dalka oo dhan looga dhigi lahaa meel ka caaggan argagixisada oo nabdoon.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles