Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

NUSOJ oo ku baaqday in la baaro shilka AMISOM ay ku dhaawacday wariye Gacan

$
0
0

Wariye-Gacan-620x264

Muqdisho, 20 Sept. 2015:- Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo qaabka uu weriye ka tiirsan Radio Muqdisho qeybta ciidamada uu ugu dhawacay gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Weriye Cabdirahman Maxamed Ibrahim Gacan oo maraya afaafka hore ee Madaxtooyada ayaa dhaawacay gaari ciidamada AMISOM ay leeyihiin, isla markaana loola cararay Cusbitalka Daaru Shifa ee magaalada Muqdisho. Weriyaha ayaa waxa dhaawac ka soo gaaray mid ka mid lugihiisa, sida ay sheegtay idaacadda Kulmiye.

“Waa in baaritaan deg deg ah lagu sameeyaa shilka weriye Gacan AMISOM ku dhaawacday,” ayuu yiri Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, “Waxaan Alle uga baryeynaa caafimaad deg deg ah.”

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles