Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Wasiirka Warfaafinta Oo Dhalinyarada Soomaaliyeed Ugu Baaqay Xoojinta Dowladnimada

$
0
0

maareeye-498x264Muqdisho | September 18, 2015 | Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galay kulan dhalinyarada Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in door muhiim ah ay ka qaataan horumarinta iyo xasilinta daka, isagoo sheegay in Dowladda Soomaaliy ay taageersantahay doorka dhalinyarada ay dhiira galinayaan loona baahanyahay fikir dhisan ay keenaan oo horumar siinaya golayaasha Dowladda ayna qaadanayaan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wasiir ahaan waxa uu sheegay in fursado ay ku hadlaan dhalinyarada oo ah mustaqbalka dalka uu siinayo Warbaahinta Qaranka oo ay ku muujinayaan fikradahooda iyadoo wax shuruud iyo dib u dhac ah uusan jirin.

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan wacyigilinta bulshada iyo isku xirka shacabka iyo Dowladooda, taasi oo qeyb ka ah dar dar galinta xoojinta Dowladnimada.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles