Dibad baxaan lugu tageraayay waxqabadka ay dowladda Turkiga ka waddo magaalada Muqdisho ayaa maanta lugu qabtay barxada beerta Nabadda degmada Waaberi ee gobolka banaadir. Banaan baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo ku-xigeenadiisa qaar ka mid ah guddoomiyeyaashaya degmooyinka gobalka, dadweyne ka kala [...]
↧