Muqdisho, 27, July, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubka Islaamka ugu hanbalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga. Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in ay ciiddan Cideeda ku gaaraan nabad iyo horumar , isla-markaasina ay ka adkaadaan cadawgooda ka hortaagan nabadda iyo dowladnimada. […]
↧