Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Sidee ayay ku timid in mushaarka loo kordhiyo Ciidamada?

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

 

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in miisaaniyadda ay golaha Wasiirada Ansixiyeen ay ku jirto in Ciidanka dowladda mushaarka loo kordhiyey,taas oo kala ah 100 ay markii hore lahaayeen iyo 70 loogu kordhiyey iyo 30 Raashin ah,waxaana ay isku noqonayaan $200.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________


Sidee ayay ku timid in mushaarka loo kordhiyo Ciidamada?

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa diiday in ay u codeyso oo ay taageerto qaraar la doonayay in dil ka dhacay Armenia oo ay ka dambeeyeen embaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta, loogu aqoonsado in uu ahaa xasuuq.

 

Ilhaan ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas la qaadayana lagu soo daro xasuuqyadii taariikhiga ahaa ee horay u dhacay.

 

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota, ayaa ka mid ahayd saddex xildhibaan oo diiday in ay arrintaas taageeraan.

 

Qaraarkan ayaa meel maray, waxaana taageeray 405 xildhibaan, halka 12 kalena ay ka aamuseen.

 

Ilhaan oo markii ay codbixinta qaraarkaas dhamaatay hadashay ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah, balse isla xisaabtanka iyo in dhacdo loo aqoonsado xasuuqa in aysan nooqnin ul siyaasadeed lagu dagaalamo.

 

“Waa in qiimeynta lagu saleeyaa qaab cilmiyadeysan, kana baxsan hardanka siyaasadeed ee gobolka”, ayay tiri Ilhaan.

 

Ilhaan ayaa u muuqatay in arrintan ay la xiriirneyso xiisadda isa soo tareysa ee duullaanka Turkiga uu ka wado wadanka Suuriya, ka dib markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen waqooyiga dalkaas.

 

Dhamaan 11 xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarkan ayaa ah kuwa ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mdaxaweyne Donald Trump, waxaana ku wehliya xildhibaan Ilhaan oo ka mid ah xisbiga Dimuquraadiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Madaxweynaha Puntland oo digniin soo saaaray

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in laga cabsi qabo inay deegaano ka tirsan Bariga Puntland ay ka da’aan roobab dabeylo wata oo dhibaato geysan kara.

 

Waxaa uu sheegay in dadka wax saadaaliya ay sheegeen in Roobka dabeylaha wata ay macquul tahay inay bilaawdaan 1-da Bisha November oo Maanta ku beegan,waxaana uu dadka ugu baaqay Goobaha ku dhow Xeebaha inay ka fogaadaan.

 

Ciidamada Ammaanka Puntland  iyo hay’adaha Maamulkaas ayuu dhankooda waxaa uu ugu baaqay inay diyaar garoobaan in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka ay saameeyaan hadii ay da’aan Roobka dabeylaha wata.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay Dowladda Suudaan

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka KoofurtaSudan Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa caasimadda wadankaasi ee Jubba kulan kula qaatay madaxweyne Ku xigeenka wadankaasi Taban Deng oo ay arrimo dhowr ah ka wada hadleen.

 

Kulanka ayaa labada masuul waxaa ay diiradda ku saareen qodobbo ay ka mid yihiin in dowladda Koofurta Sudan fuliso codsigii dowladda Soomaaliyeed u-gudbisay oo ahaa in safaaradda dhul la siiyo,in culeysyo ay tabanayaan jaaliyadda gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed la xaliyo iyo guud ahaan iskaashiga labada dal in la sii xoojiyo.

 

 

Danjire Xuseen Xaaji oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweyne Ku xigeenka Koofurta sudan ay isku afgarteen isla markaana uu u-balan qaaday in dowladiisu xoog saari doonto in safaaradda Soomaaliya dhul ay leedahay la siiyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Soomaaliya oo Denmark kala hadashay Arrimaha Baladweyne

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya uga qeyb-galay shir ku saabsan fulinta meel marinta heshiiskii Adduunka ee arrimaha Qaxootiga oo ay so qaban qaabisay hay’adda Aduunka u qabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

 

Wasiir ku xigeenka iyo hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan Dalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso wax ka qabashada fatahaadaha Wabiyada Shabeele Iyo Jubba.

 

 

 

Dhinaca kale , Wasiir ayaa isla Xalay kulan deg-deg ah kula qaatay Magaalada Addis ababa Wasiir ku xigeenka siyaasadda iyo horumarinta Dalka Denmark, Stephan Schoneman, shirkaas oo looga hadlayay xaaladaha Bini’aaddannimo ee ka taagan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

 

Kulanka ayaa lays kula soo qaday sidii looga hortagi lahaa in ay soo laabato xaalad la mid ah midda haatan ka taagan Baladweyne iyo sidii ay Dadkaasi u heli lahayeen gurmad deg-deg ah.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay ka Dowlad ahaan Gacan buuxda ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda,

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Yahuudda oo duqeysay fariisimada Xamaas ee Qaza

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Yahuuda ayaa Marinka Qaza ku qaaday weerar duqeyn oo ay ku sheegtay in ay la beegsatay xubno ka mid ah Ururka Hamas ee reer Falstiniin.

 

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in meesha diyaaradohooda ay duqeeyeen ay ahayd xero tababar iyo kayd hub.

 

Yahuuda ayaa sheegay in weerarkaan uu yimid ka dib markii shalay Koox Falastiniyiin ah weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Yahuuda.

 

Ciidanka Yahuuda ayaa sidoo kale rasaas ku furay Kalluumeysato u dhalatay Falastiin, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Xiisadda ka dhexeyso Falastiin iyo Israa’iil ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii Donald Trump uu ku dhawaaqay go’aankii uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Wasiirka Ganacsiga oo shir uga qeyb galay dalka Turkiga

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka qayb galay kulankii labaad ee Guddiga dhaqaalaha wadajirka ah ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, shirka ayaa looga hadlay Iskaashiga dhaqaalaha laba dhinaclaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore iyo ka faa’iideysiga fursadaha jira.

 

kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay horumarradii dhaqaale ee la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in lasii adkeeyo iskaashiga

 

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha XFS ayaa sidoo kale shir doceed layeeshay dhigiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Warshadaha ee Dalka Turkiga oo looga hadley xiriirka gaarka ah ee ka dhaxeeya labada Wasaaradood

 

Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu aasaasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.

 

Labada dowladood ayaa horay u kala saxiixday heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dani ugu jirto labada dal iyo labada shacab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis cusub

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti.

 

Kulamadan ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

 

 

 

Kulammada labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

 

Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

 

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________


Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

 

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Colaad Caddow Absuge, isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoostagta Magalada Cape town.

 

 

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka  muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana  2-dii Bishaan October  deegaanka soshanguve  oo ka tirsan Magalada Pretoria lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Buulle

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Golaha Shacabka oo ansixiyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeeyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017.

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Cod u qaadaan  xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017 , waxaana ay u dhacday Codeynta siddaan.

 

128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay

 

8-Xildhibaan ayaa diiday

 

5-Xildhibaanna waa ay ka

Aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday

 

Miisaaniyaddaan ayaa noqoneysa miisaaniyaddii u horeeysay ee la ansixiyo tan iyo intii  uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

SAWIRO: SOMA oo Muqdisho ku qabatay Munsaabad lagu xusayay maalinta dhameynta dhibaateynta Wariyeyaasha

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Waxaa  Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Caalamiga ah ee dhameynta la Xisaabtan la’aanta Xad gudubyada loo geysanayo Wariyaasha oo Maanta oo kale 2 November laga xuso Caalamka.

 

Munaasabada Waxaa soo agaasimay Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, Waxaana ka qeyb galay  Madaxda Jaamacadaha Dalka, Xubno ka socday Ururada bulshada rayidka ah, qorayaal Soomaaliyeed, Madax iyo Wariyaal ka socday Xarumaha Warbaahineed ee Muqdisho.

 

 

Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaaho oo ah Xoghayaha Guud ee Hay’adda SOMA, Waxa uuna ka sheekeeyay ahmiyada maalintaan.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan suurta gal ahayn in mar kasta la dhibaateeyo Wariyaasha gaar ahaan Wariyaasha Soomaaliyeed.

 

Waxaa uu sheegay in ay jiraan wariyeyaal badan oo lagu dhibaateeyay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

 

Tababarayaal Saxaafadeed iyo xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in laga hortaggo tacadiyadda Wariyeyaasha Soomaaliyeed, maadaama ay ku shaqeeyaan Marxalado adag.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Ahlusunno oo lagala wareegay gacanta ku heynta degmada Matabaan

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka dib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay hor istaageen Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Magaalada u socday.

 

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

 

Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xeer Ilaalinta Puntland oo War cusub kasoo saartay Kiiska Xildhibaan Daad

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Xeer Ilaalinta Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay qoraal kale oo ay udirtay guddoonka baarlamaanka Puntland, taas oo ay kaga laabanayso dacwadii ay ku soogtay xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su’aallo adag weydiiyay Madaxweyne Deni.

 

Xeerilaalintu waxay sheegeen in uu jiro heshiis dhexmaray Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo ku saabsan Hanaanka Xasanaad ka qaadka Xildhibaanka, islamarkaana ay ka laabteen eedeyntii Xildhibaan Daad.

 

Warkaan ayaa yimid xilli Madaxweynaha Puntland uu shaaciyay in uu aqbalay Codsi iyo raalin kaga timid in ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ku aadaneyd in la joojiyo Xasanad ka qaadida xildhibaanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Koonfur Galbeed oo maamul cusub u Magacowday Afgooye

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 02, 2019–Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa Guddoomiyaha Cusub ee degmada Afgooye u magacaabey Mudane Ibraahim Cumar Qaasim (Carab)halka Xog-hayaha degmada loo magacaabey Mudane Maxamed Cali Cadow.

 

Sidoo kale wasiirka Wuxuu xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye iyo xog-hayihii.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada Dangoroyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa degmada Dangoroyo kaga qeyb-galay kulanka Bulshada degmada Dangoroyo oo ujeedkiisu ahaa xog-wareysiga Bulsho iyo Maamulka.

 

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka kala qeybgalay, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Dangoroyo, Hogaanka dhaqanka, Aqoonyahannada, Culimada, Siyaasiyiin Puntland xilal kasoo qabtay iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee degmada Dangoroyo.

 

 

Kulanka waxaa lagu bilaabay Casho sharaf, kadibna Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo hadalka furay ayaa bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Deni, waxay sidoo kale Bulshada Dangoroyo uga mahadcelisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in uu fuliyey ballanqaadkii ahaa inuu wakhti fiican siiyo dadka deegaanka oo habeen ku hoydo Dangoroyo.

 

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaadkii kulanka la hadlay Bulshada degmada, wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo kulankan oo muhim u ahaa Bulshada iyo Dowladdaba, Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ku howlan yihiin hirgelinta codsigii deegaanka ee dhismaha Wadada Eyl iyo Dangoroyo.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in kulamo gaargaar ah uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dangoroyo si uu u dhegaysto baahiyaha ka jira deegaanka iyo siday u kala muhimsanyihiin, kadibna ay Dowladdu ku go’aan qaadanayso markii ay waxqabad noqoto.

 

Kulanka Madaxweynaha iyo Bulshada degmada Dangoroyo ayaa qeyb ka ah, kulamada Madaxweynuhu uu la yeeshay Bulshooyinka uu booqday. Waxaana Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ay xalay ku hoydeen Degmada Dangoroyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________


Bangiga Aduunka oo Malaayin Dollar ugu deeqay Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Kadib kulan ay soo qaban qaabisay hay’adda Bangiga Aduunka ee ka dhacay Magaalada Washington  ee dalka Mareykanka ayaa waxaa Bangiga Aduunka uu lacag mallaayin dollar ah ugu deeqay Soomaaliya,taas oo lagu caawinayo dadka dhibaateysan ee ku sugan Soomaaliya.

 

Shirkaasi waxaa Soomaaliya ku metelayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa,waxaana uu sheegay in Banmgiga Aduunka uu Soomaaliya u balan qaaday in uu siinayo lacag dhan 65 Milyan oo Dollar.

 

 

 

Waxaa uu sheegay Wasiirka in lacagtaas loogu talo galay daryeelida ama ilaalinta Bulshada gaar ahaan dadka barakacay iyo kuwa dhibaatooyinka kale heysta,isla markaana lacagtaan ay tahay mid Soomaaliya lagu tijaabinayo.

 

Xubnaha Bangiga Aduunka ayuu sheegay inay u balan qaadeen inay sii wadi doonaan taageerada dhinaca Bulshada ah oo ay siiyaan Soomaaliya uuna taasi raja weyn ka qabo.

 

Hay’ado kala duwan oo Caalami ah iyo dalalka Saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa horay waxaa ay lacago Mallaayin Dollar ah ugu deeqeen Soomaaliya,kuwaas oo lagu bixinaayo Arrimaha Bulshada,sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo baahida kale oo ay Bulshada qabaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

SAWIRO:-Ciidamada Dowladda oo la wareegay degmada Guriceel

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada qeybta 21aad ayaa saakay Waaberigii hore hore waxaa ay la wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay isaga baxeen Ciidamadii Ahlusunna,isla markaana dhamaan Xarumihii Maamulka ay la wareegeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo xalay kulamo kala duwan ka waday Gudaha Magaalada Guriceel.

 

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa saakay ah mid degan,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadii Ahlusunna ay ku sugan yihiin  banaanka Magalada Hayeeshee ay cabsi dareemayaan.

 

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Ahlusunna ayaa sheegay in xalay Gaari uu lahaa lagu rasaaseeyey Bartmaha Magaalada xilli halkaasi uu dagaal kooban ku dhex-marayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

 

Si kastaba la wareegitaanka Ciidamada Dowladda ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Ciidamada Dowladda ay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay rag loo heysto qaraxyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qaraxyo ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dhawaan Maxmadeyntooda la soo geba-gabeeyey.

 

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

 

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

 

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore.

 

August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga.

 

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

 

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Dowladda oo ku dhawaaqday qorsho looga hortagayo fatahaada

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay soo laab laabteen fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan,isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya,iyada oo la kaashaneysa Dowladaha deriska ah inay la imaaneyso qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga maadaama dibaatooyin farabadan ay ka dhashaan.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwa is cafiya sidoo kalena is caawiya.

 

Madaxweynaha ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa uu booqday Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen kadib fatahaada Wabiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA oo xilalkii laga qaaday

$
0
0

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA,isaga oo magacaabey Agaasimeyaal kale.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa xilkii Agaasimaha SNTV looga qaaday  Liibaan Cabdi Cali, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Faarax Salaad Dharaar.

 

 

 

Agaasimihii  Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Cali C/qaadir (Cali Maykal).

 

Sidoo kale Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte ayaa xilkii laga qaaday,waxaana xilkaas loo Magacaabey Yaxye Cali Faarax.

 

Hoos Ka Akhriso Warqada Magacaabista Agaasimo Waaxeedyada Warbaahinta Dowladda iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live