Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Wasiir Cawad oo faah faahiyay kulankii Madaxweynaha Soomaaliland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 14, 2019 —Habeen ka hor waxaa dalka sacuudiga gaar ahaan magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabi & Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya,waxaana kulankaasi faah faahiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya.

Wsiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay isku dhex arkeen Masjid,isla markaana isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda ay halkaasi ku arkeen Madaxweyanaha Soomaaliland salaana ugu tagen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulankaasi ay isku muujiyeen inay ahaayeen dad walaalo ah oo isku hiloobay,hayeeshee kulankaasi uusan aheyn mid siyaasadeed oo gaar ahmhayeshee kaliya halkaasi u tageen arrimo la xiriira xakja

Kulankii Magalada Mina ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaliland & Wasiiro ay ka mid ahaayeen, Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday mid saacadihii la soo dhafay aad looga hadak haayay Baraha Bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Walaac laga muujiyay Shaqadda Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeedda degaanada maamulka Galmudug ayaa Walaac ka muujiyay sidda ay wax ku waddaan Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

 

Guddiga ayaa lagu eedeeyay in aysan dib u heshiisiin ka waddin Galmudug laakiin ay doonayaan Siminaar kooban in ay u qabtaan beelaha ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

 

 

 

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Guddiga wali uu sii waddo kala qeybinta bulshadda kunool degaanada maamulka Galmudug.

 

“Waxaan arkey qoraal ka soo baxay xukuumadda oo la leeyahay waa ajandihii shirka dib- u heshiisiinta Dhuusamareeb oo muddo 5 maalin ah soconaya. Wuxuu u muuqdaa siminarraadii ay hay’adaha NGO-yada ah qaban jireen. Waxaa is waydiin leh iyadoo ay beelo 11 kii ka mid maqanyihiin, kuwo kale oo Hobyo ku shirayana ay codsadeen in dib loogu dhigo shirka si markii koodu soo idlaado uga qaybgalaan, waa ayo beelaha shirka loo furayo, xaggeese loo cararayaa? Siminaar dad meelo laga soo uruuriyey waa loo qaban karaa, laakiin shir dib u heshiisiin wuxuu u baahanyahay beelihii la heshiisiin lahaa, la xaddido baaxadda qodobbada laga heshiinayo iyo marjic khilaafka loo celiyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

 

Waxaa uu intaa kusii daray “Dowladda Federaalka ah iyadaa Galmudug kala qeybisay, haddana khilaafkii iyo kala qaybintii ayey sii waddaa”

 

Beelaha degan qaar ka mid ah magaalooyinka Galmudug ayaa horay u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee dib u heshiisiinta ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Qabanqaabada doorashadda Guddoonka baarlamaanka Jubbland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Magaalada Kismaayo  Saacaddaha soo socda waxaa lagu waddaa in lagu qabto doorashada Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn looga dareemaya diyaar Garowga Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso.

 

Xildhibaanada Jubbaland ayaa hadda kusoo qulqulaya hoolka loogu tala galay in lagu qabto doorashadda maamulka Jubbaland gaar ahaan Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo labaddiisa ku xigeen.

 

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan goobta loogu tala galay in lagu qabto doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ka dhacay Agagaarka Haanta dheer ee Magaalada Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.

 

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu aasay wadada dhinaceeda ilaa iyo haddana si rasmi ah looma Ogga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

 

 

Sidda dadka degaanka ay sheegeen Qaraxa ayaa ka dhacay wadada u baxda xarunta Maamulka degmada Dayniile gaar ahaan meel ku dhow isbitaalka Guutaale.

 

Ciidanka Booliska degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinaayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO: Saddex ruux oo ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ka dhacay Agagaarka Haanta dheer ee Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Dayniile.

 

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu aasay wadada dhinaceeda gaar ahaan wadada u baxda xarunta Maamulka degmada Dayniile  meel ku dhow isbitaalka Guutaale.

 

Xoghayaha degmada Dayniile Mahad Shilaawe ayaa xaqiijiyay in Saddex ruux oo Shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa,islamarkaana lala damacsanaa mas’uuliyiinta degmada Dayniile.

 

Ciidanka Booliska degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinaayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Guddoonkii hore ee baarlamaanka Jubbaland oo dhammaan dib loo doortay

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Waxaa goor dhow Magaalada Kismaayo  kusoo dhamaatay doorashadda Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland waxaana la doortay dhammaan xubnaha Hoggaamin doona Baarlamaanka Jubbaland.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay.

 

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin.

 

Guddoonka cusub ee baarlamaanka Jubbaland ayaa dhammaan ah kuwii hoggaaminaayay baarlamaankii Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Qalbi Dhagax oo ka hadlay doorashadda maanta ka dhacday Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF ayaa ammaanay doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland.

 

Waxaa uu sheegay in doorasho Xor iyo xalaal ah ay maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo, islamarkaana Musharaxiinta la doortay iyagoo dhiibin Laaluush sidda dhacda doorashooyinka ka dhaca Soomaaliya.

 

Shacabka degaanada maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhameystirka doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo lagu waddo in ay Magaalada Kismaayo ka dhacdo dhamaadka Bishaan.

 

“Aad baan ugu faraxsnahay inaan goob joog ka ahay doorasho Qurux badan oo xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland oo lagu dhawaaqay

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.  Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

 

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

 

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay

XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

 

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

 

Wuxuu Xeeriyey.

 

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

 

  1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq
  2. Sahra Jaamac Saalax
  3. Cali Jaamac Faarax
  4. Cabdullaahi faarax Mire
  5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
  6. Guulleed Saalax Bare
  7. Jaamac Xirsi Faarax
  8. Xafso Salaad Maxamed
  9. Cadirisaaq Axmed Siciid

 

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Doorashadda Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantay habkii loo soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Maamullka Jubbaland.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in aysan aqoonsan doonin Natiijo kaste oo kasoo baxda Doorashooyinka maamulka Jubbaland hadii aysan waafajin Sharciga.

Waxa ay Wasaaraddu sheegtay in Jubbaland laga sameyn doono dib u heshiisin dhab ah oo ay ka qeyb gali doonaan qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa kusoo beegmaya xilli maanta Kismaayo lagu doortay Guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbalan

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Madaxweyne Deni oo baaq u diray Somaliland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa ka hadlay Xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ee ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag oo inta badan ay ku dagaallamaan labadda maamul.

Madaxweyne Dani waxaa uu sheegay in degaanda ay Somaliland ay gacanta ku  heyso ee gobolada Sool iyo Sanaag ay yihiin kuwo maamul ahaan hoos yimaada maamulka Puntland laakiin Somaliland xoog ku heysato.

Waxaa uu Somaliland ugu baaqey wada-hadal iyo nabad, isaga oo ka hadlayey madal lagu soo bandhigey buug laga qoray nabadda.

“Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweyna Puntland.

Waxaa uu sidoo kale xusay in dhibaatooyinka dagaallada ay sababeen ay muuqato, islamarkaana Puntland ay dooneyso in miiska wadahadalka lagu kala baxo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Puntland oo hambalyo u dirtay Guddoonka cusub ee baarlamaanka Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Maamulka Puntland ayaa hambalyo u diray  Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

 

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtoyadda Puntland ayaa hambalyo loogu diray Guddoonka cusub ee Jubbaland waxaana ay sheegeen in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawiro:-Wasiirka Warfaafinta oo Maanta shir ka furay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirka Wadatashiga Wasiirrada Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

 

Shirkan oo socon doona mudada Afarta cisho ee soo socota ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirrada Warfaafinta Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo ay wehliyaan Agaasimeyaashooda Guud iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta Dowladda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

 

 

 

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Howlaha Istiraatiijiyadda wacyigelinta Qaranka ,Wada shaqeynta Wasaaradaha heer federaal iyo Dowlad Goboleed iyo Qodobo kale , iyada oo geba-gabada shirkaas Warmurtiyeed laga soo saari doono.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xisbiga WADANI oo ka baxay heshiiskii Xisbiyada Soomaaliland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii ay la galeen Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo khilaaf xoogan uu ka taagnaa mudo dhowr bilood ah.

 

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in sababta ay heshiiska uga baxeen ay tahay in qodobadii qaar ee lagu heshiiyayuu jebiyay Xisbiga Kulmiye oo hadda ah kan haya talada Soomaaliland.

 

 

 

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in sababta ay tallaabadaan u qaadeen ay timid,kadib hadal shalay kasoo yeeray la-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada,waxaana uu sheegay in heshiiskaas uu qorsuhu ahaa in la horgeeyo golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

 

Ugu dambeyn Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray la-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada Soomaaliland ay mas’uul ka yihiin xisbiga talada haya ee Kulmiye.

 

Si kastaba shalay ayaa heshiiskaas ay horay u wada gaareen sadexda Xisbi ee Soomaaliland oo kala ah WADANI,KULMIYE iyo UCID la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliland,hayeeshee dood dheer kadib ay goluhu laaleen qodob ka mid ah heshiiska Saddexda Xisbi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Mas’uuliyiin kormeeray Garoonka Stadium Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Siihayaha Duqa Muqdisho Ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Ibraahim Cumar Mahad- Alle (Ibraahim Dheere) iyo Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigilinta Maamulka G/Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakett) ayaa maanta kormeeray Garoonka Stadium Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa ka socday dayactir aad u balaaran Oo lagu soo celinayo Bilicdii uu lahaa Bariisamaadkii,isla markaana dib looga bilaabo tartamadii Kubadda Cagta ee lagu qaban jiray wixii ka horeeyay burburkii dalka.

Gudoomiye Ibraahim Oo ka hadlay ayaa sheegay in maamulka G/Banaadir ay ka go’an tahay in uu wax ka qabto ka Shaqeeynta meelaha muhiimka u ah Bulshada,isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha Garoonka.

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa mudo dhowr sano ah waxaa ay Xero Ciidan u aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyada oo AMISOM ay ka guureen 28-kii Bishii Agoosto ee sanadkii 2018.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah riday

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex  askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Nabadsugida Magalada Baydhabo.

 

C/waaxid Cali Sh Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga iyo Xuseen Cali Macalin Iimaan oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed  ayaa horay ugu dilay duleedka Magalada Baydhabo Marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan,waxaana lagu xukumay dil toogasho.

 

 

 

Sidoo kale C/raxmaan Cali Xuseen oo ka tirsanaa Nabad Sugida Baydhabo ayaa isagana dil lagu xukumay, Kadib markii ay Maxkamaddu ku heshay inuu dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Maxamed.

 

C/waaxid Cali Sh Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga iyo Xuseen Cali Macalin Iimaan oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed  ayaa Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 6aad waxaa 28-kii Bishii July ee sanadkii 2018 ay ku riday xukun dil ah,balse ay racfaan ka qaateen, hayeeshee Maanta ay Maxkamada sare ku raacday xukunkii hore ee  Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee ahaa dilka toogashada.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo ka jawaabay qoraalkii James Swan

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray warqad ay ugu jawaabayaan qoraakii alay kasoo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa mkarka lagu faah faahiyay geedi socodkii doorashada guddiga iyo howlaha doorashooyinka, iyaga oo beeniyay inaysan dhex dhexaad aheyn,kadib markii horay loogu eedeeyay inay u xaglinayaan musharax Gooni ah.

Warqada guddiga oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland Xamze Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in kulankii guddiga iyo Beesha Caalamka ay dhammaan ka wada hadleen qodobada haatan cabashada ay ka timid.

Mudane  Xamse ayaa qoraalka uu soo saaray sidoo kale ku sheegay in ay tixgaliyeen baaqii caalamiga ahaa ee kudarida waqtiga jadwalka, isla markaana waqtigii loogu talo galay ay ku egtahay Maalinta burrito ah ayna u jooojin doonin dadka aan is diiwaangelin.

Qoraalka Jawaabta ah ee kasoo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u muuqda mid ay gudiga sii wadi doonaan howlaha doorashooyinka Jubaland oo haatan ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

Falastiiniyiin lagu dilay Marinka Gaza

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in saddex nin oo Falastiini ah ay ku dhinteen mid kalana uu dhaawacmay kaddib marki ay toogteen ciidamada Israil Axadda maanta ah.

Bayaan kasoo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo taangiyadooda ay bartilmaameedsadeen koox Falastiiniyiin ah oo hubeysan oo tagay xadka waqooyi ee Marinka Gaza.

Dhacdadan ayaa timid saacado kaddib marki xoogaga Falastiiniyiinta ee Gaza ay saddex gantaal ku tuureen dhinaca Israel. Ciidamada Israil waxay sheegeen in gantaallada aysan geysan wax khasaara ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Madaxweyne farmaajo oo u ambabaxay dalka Jabuuti

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti

 

Madaxweynaha ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah.

 

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, iyada oo Xubnaha la socda Madaxweyne farmaajo ay dhankooda la kulmi doonaan madax ka tirsan dowladda

Jabuuti.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawiro:-Puntland oo soo bandhigtay Khamri farabadan & dad lagu soo qabtay+Sawiro

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaa Maanta lagu soo bandhigay mandooriyaha Khamriga oo aad u faradan iyo dad la sheegay inay ahaayeen kuwo Khamrigaas ka Ganacsanayay oo isugu jira rag iyo dumar.

 

Khamriga oo uu ku jiro dhalooyin iyo caagado farabadan ayaa waxaa la geeyay Xarunta Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari si xukun loogu rido dad Khamrigaas lagu soo qabtay, kadib howlgal Ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen Magalada Boosaaso.

 

 

 

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo Maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in Magalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh.

 

Waxaa uu sheegay in dadka ka Ganacsnaya maandooriyaha Khamriga ay ula dagaalami doonaan Al-Shabaab iyo Daacish,waxaana Maxkamada  Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari uu ka dalbaday in xukmiso Gurigii lagu arko, iyada lagu iibinayo Khamriga lala wareegayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO: Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaweeyay Jabuuti

$
0
0

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —MMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa maalinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.

Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live