Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Sheekh Shariif oo ku baaqay in cadaaladda la horkeeno dadkii dambeeyay Qaraxii Xarunta G/Banaadir

$
0
0

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah Cadaalladda u horkeento dadkii ka dambeeyay Qaraxii xarunta gobolka Banaadir.

 

“Ugu dambeyntiina Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in cadaaladda ay horkeento cid walba oo qayb ku lahayd weerarkii 24 July lagu qaadey xarunta maamulka gobolka Banaadir ee lagu diley qaar kamid ah madaxdii maamulka iyo shaqaalihii dowladda hoose ee Xamar” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Shariif ayaa Umadda Soomaaliyeed sidoo kale uga tacsiyeyay geeridii ku timid Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

 

“Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Banaadir aniga oo ka tacsiyeynaya geerida guddoomiyihii gobolka ahaana duqii caasimadda eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo goor dhoweyd la iisoo sheegey.Runtii waa geeri naxdin leh Ilaahayna samir iyo iimaan hanaga siiyo injineerka, isagana janadii haka waraabiyo, aanna u wada duceeyno walaalkeen” ayuu yiri Sidoo kale Sheekh Shariif.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


RW Khayre oo guddi u saaray aaska Gudoomiyihii geeriyooday ee Yariisoow.

$
0
0

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

 

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

 

Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

 

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Al-Shabaab ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

aa sidee xaalada dhaawacyada lagu daweynayo dalka Qatar?

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —12 ruux oo ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la geeyay Isbitaal ku yaalla dalka Qatar,waxaana geeriyooday laba ka mid ah dadkaasi oo uu ka mid ahaay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow balse dhaawicii u geeriyooday.

10 ka kale eek u haray Isbitaalka ayaa safiirka Soomaliya ee dalka Qatar uu sheegay in mid ka mid ah Isbitaalka laga bixiyay, kadib markii xaaladiisa ay hagaagtay halka 9 kale oo ay ku jirto Guddoomiyihii degmada Wartanabada ay weli isbitaalka ku jiraan.

Amb, C/risaaq Faarax Cali (Taano) ayaa sheegay in xaaladooda dhaawacyada ay soo hagaageyso,isla markaana uu rajeynayo in dhawaan Isbitaalka laga soo saaro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay ee Aaska Meydka Guddoomiyihii G/Banaadir

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Goordhow ayaa lagu wadaa in Qabuuraha Iskuul Bulusiya ee Magaalda Muqudisho Aas qaran loogu sameeyo Meydka guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxda ugu Sareysa dalka, sida Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Xubno ka tirsan labada Gole iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu Waddaa in ay ka qeyb galaan Aaska Marxum Yariisow.

Meydka Eng, Yariisow ayaa waxaa Salaada Janaasalada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana goordhow loo soo qaaday dhinaca Dugsiga tababarka ee Iskuul Bulusiya si loogu aaso.

En Yariisow  ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, iyada oo dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin nooca qaraxa iyo dadkii ka dambeeyay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Colaada Soomaalida & Oromada oo ka furmay Jigjiga

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Shirwaynihii laad ee wada tashiga iyo sii xoojinta iskaashiga deegaanada soomaalida iyo oromada ayaa Maanta ka furmay caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDS.

Shirkaas ayaa waxaa  qaybgalaya masuuliyiinta ugu saraysa labada dawlad deegaan oo ay ka mid yihin madaxwaynaha DDS  Mustafe Muxumed Cumar, madaxwaynaha deegaanka oromada  Shinmelis Abdisa, hogaaminta odayaal dhaqameedka labada deegaan oo ay ka mid yihiin odayaasha guurtida deegaanka soomalida iyo abaagadhayaasha deegaanka oromada, aqoon yahanka, waxgaradka labada deegaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada .

Waxaana shirkaas si rasmi ah u furay madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, isaga oo ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani leeyahay iyo xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer, kaas oo  ka dhexeeya labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada.

Dhankiisa madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa ayaa ka hadlay furidaan shirwaynaha wada tashiga labada deegaan, isaga oo dhankoosa sheegay inay soo dhaweeynayaan isku soo dhawaanshaha labada Shacab.

Shirkaan oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa looga gol leeyahay in xal buuxa looga gaaro colaada soo laab laabatay ee u dhaxeysay Soomaalida iyo Oromada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Waxaa Maanta Aas Qaran Magalada Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Saakay Waaberigii hore ayaa diyaarad siday waxa ay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho, iyada oo salaadii janaasada lagula dukaday Barxad ku taalla Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Khabuuraha Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiya Ex-Iskuul bulusiya ee Magalada Muqdisho ayaa lagu aasay,waxana ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, guddoomiye Mursal, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay goobta ka sheegeen in wax badan uu ka qabtay Gobolkan Banaadir,isla markaana uu ahaa Shaqsi dalka u yimid inay dowladnimo hirgasho.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli soo bandhigin nooca uu ahaa iyo cida geysatay qaraxii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan Go’aanada kasoo baxa Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Rag ka tirsanaa Al-Shabaab & hubkooda oo la soo bandhigay

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay kusoo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka koonfur Galbeed.

 

Goobta raggaas lagu soo bandhigayay ayaa waxa ku sugnaa Maamulka degmada Diinsoor,saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale,waxana ragga la soo bandhigay oo gaaraya ilaa laba ay wataan laab Qori oo nooca AK47 ah iyo booshashkooda.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in raggaasi ay isku soo dhiibeen ciidamada,isla markaana ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen deegaanka  Buulo fulaay .

 

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in raggasi iyo hubka ay wataan ku wareejin doonaan Wasaaradda Amniga maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay Ciidamada isku soo dhiibaan.

 

Si kastaba soo bandhigida xubnaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Gobolka Baay ay kusoo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Dib u dhac ku yimid Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku dhawaaqeen in dib u dhac uu ku yimid shirka oo lagu waday in uu furmo 5-ta Bisha Agoosto oo ku beegan Maalinta Berrito ah.

War kasoo baxay Guddiga ayaa waxa lagu sheegay sababta dib u dhaca shirkaas ay tahay in, iyada oo tixgalinaayo maalmaha baroordiiqda loo asteeyey iyo munaasabadda maamlmaha Ciidul Adxaa ee foodda nagu soo hayso dib loo dhigay mudada shirkaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug la qaban doono 17 Bishaan, isla markaana looga baahan yahay Ergooyinka ka qeyb galaya inay tagaan Magalada Dhuusamareeb.

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa waxaa jira beelaha qaarkood ee degan deegaannada Galmudug oo shaaciyay inaysan ka qeyb galeen shirkaas, iyaga oo soo bandhigay shuruudo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Markab Shidaal siday iyo Shaqaale

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Dowladda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay qabsatay Markab shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah wadamada Carbeed,xilli uu marayay Gacanta dfalka Cumaan.

War laga baahiyay Warbaahinta Iiraan ayaa lagu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ay qafaasheen markabkaas oo siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xasaradda gacanka Carbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Hobyo

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Wafdi uu Hogaaminayo Sanetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa galabta gaaray magaalada xeebta saaran ee Hobyo halkaasi oo ay soo dhaweyeen madax ka tirsan Galmudug iyo odayaal dhaqameed.

Safarka wafdiga ayaa lagu sheegay ka qeyb galka wajigii labaad ee shirka nabadda Hobyo oo la filayo in uu halkaas uu ka furmo.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka oo degaan doorashadooda ay tahay Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawirro:-Nuqul Ka Mid Ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka Oo Kun Sanno Ka Hor La Qoray Oo La Helay

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Ciiddanka Ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay soo heleen Kitaab Qur’aanka Kariimka oo far-guri lagu qoray, kaasi oo lagu qabtay Koox tahriibisa waxyaabaha qadiimiga ee qiimaha leh.

Kitaabkaasi oo laga farsameeyey Maqaarka Xayawaanka Gooddirka ayaa lagu soo qabtay Degmadda Yatağan ee Gobalka Muğla ee Koonfurta dalkaasi, sida ay sheegeen Ilo dhanka Ammaanka saqdii dhexe ee xalay.

Labo Eedeysane oo qorsheynayey inay iibiyaan Kitaabka Qadiimiga ayaa lagu xiray Hawlgal ay Ciiddanka Ammaanka qaadeen.

Dhinaca kale, Hawlgalkaasi waxay Ciiddanka ku soo qabteen qori aan sharciyeysnayn iyo matoorada gaadiidka

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Kulamo Caawa ka socda Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Maanta waxaa magaalada kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland  gaarey wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow.

Wafdigan oo ay garoonka kusoo dhaweeyeen qaar kamid ah golaha fulinta ee Jubbaland ayaa caawa ku hooyanaya guriga martida ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga IGAD ayaa magaalada Kismaayo ku sugnaan doona muddo saddex maalmood ah ayaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey iyo qeybaha kale ee ururada bulshada Jubbaland.

Wafdiga ayaa si rasmi ah ugu kuur gali doona habsami u socodka Doorashada Jubbaland inta ay Kismaayo ku suganyihiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Arrimaha doorashooyinka Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa xalay ku hoyday  wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow.

Wafdiga oo muddo saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magalada Kismaayo ayaa la filayaa inay kulan la qaataan Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyaga oo kala hadli doona qaabka ugu wanaagsan ay ku dhici karto doorashada Jubbaland maadaama tabashooyin ay qabaan inta badan musharixiinta Jubbaland.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Kismaayo waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan habsami u socodka Doorashada Jubbaland, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kismaayo.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa xilligaan isha ku wada haaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Beesha Caalamka maadaama la filayo in dabayaaqada Bishan Agoosto ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-RW Kheyre oo booqday Ciidamo loo diyaariyay la-dagaalanka Al-Shabaab

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howgal Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga suganyihiin gobolada dalka.

 

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray, isla markaana la wareegay deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

 

 

 

Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in howlgallada Al-Shabaab lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga saarayo.

 

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Shabaab looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Soomaaliland oo gacanta ku dhigtay Rag weeraray Xero Ciidan

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Rag hubeysan ayaa weerar waxaa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin Buurta Sayidka ee duleedka laas-caanood ee Gobolka Sool,waxaana Soomaaliland ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay qaar ka mid ah dadkii weerarkasi ka dambeeyay.

 

Ragga weerarka fuliyay ayaa ka tirsan Jabhad diidan joogitaanka Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool,kuwaas oo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Feysal Falalug, iyaga oo horay weeraro kala duwan uga fuliyay Gobolkaas.

 

 

Taliyah qeybta Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Ducaale  ayaa sheegay inay weerarka soo qaadeen Ciidamo aysan garaneyn,hayeeshee ay gacanta ku dhigeen rag lagu tuhmayo.

 

Waxaa uu sheegay kadib weerarka ay sameeyeen howlgallo kala duwan,isla markaana ay gacanta ku dhigeen rag la tuhmayo inay weerarkaasi geysteen iyo Saddex Qoray oo nooca AK47 ah.

 

S kastaba weerarkaas lagu qaaday saldhiga ay Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin duleedka Magalada laas-caanood ayaa waxaa ay sheegtay Jabhadda uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo feysal falaalug, isaga oo sheegay inay weerar kaas guul ka gaareen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Xujey London ka baxay oo Baaskiil ku tagay Xajka

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Xujey u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa sanadkan Baaskiil ku tagay Xajka markii ay safarkooda ka billaabeen Caasimadda Ingiriiska ee London.

Sarafkooda Baaskiilka waxaa uu qaatay lix todobaad, waxaana ay safreen fogaan dhan 6,500km, kuwaas oo sanadkan ka mid ah xujeyda gudanaya waajibka Xajka.

Maamulka Magaalada Madiina, dadka degaanka iyo dad ku caan ah Baaskiilka ayaa qaabilay,waxaa la siiyay Biyaha Zamzam, Timir iyo waliga Kafee.

 

Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in dad ka badan 1.7 Milyan oo qof ay tageen Xajka ilaa hadda iyada oo wali ay socoto safarka xujeyda ku tagayaan Dalka Sucuudiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Rag loo heystay dilal & qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo toogasho lagu fuliyay

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Isniin ah waxaa ay xukun  dil toogasho ah ku fulisay laba Dhalinyaro ahaa oo lagu eedeyay inay ka tirsanayeen Al-Shabaab.

Labada Nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaateen weeraro iyo qaarxyo laga fuliyay Magalada Muqdisho.

Si gaar ah Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerar lagu dilay 27/09/2017 Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Marxuumad Canab C/laahi Xaashi, kaas oo ka dhacay  isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Rasaas lagu furay Gaari ay la socdeen Qoyska reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil iyo Weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaaday 09/11/2018 Hotelka Saxafi iyo qaraxii ka dhacay 22/12/2018 Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho,sida ay horay u sheegtay xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Labada Xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa horay waxaa Maxkamada Ciidamada ay ku xukuntay dil toogasho, hayeeshee ay racfaan ka qaateen balse markale ay xukun dil ah ku riday Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida saakayna lagu fuliyay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Maalinta Ciida Carafo Ee Laga Ciidayo Somalia Iyo Sacuudiga Oo La Shaaciyey Iyo Dalal Kale Oo Khilaafsan

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Waxaa la filayaa in Ixtifaalka Munaasabadda Maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa dhici doontio maalinta Axadda ee soo socota, inkastoo uu durba soo baxeen Waddamo rumeysan inay Maalinta Isniinta noqonayso Maalinta 1-aad ee Ciidda Arafo.

 

Warbaahinadda kala duwan ee Dunida Islaamka ayaana soo werinayaan in lagu kala duwan yahay Aragtida Bilashadda Bishan Dul-xaj ee sannadkan  1440-ka Hijriyah, oo ay Jamhuurka badankiisa sheegeen in la arkay Bilashadda Bishan Jimcihii la soo dhaafay.

 

Maalinta Ciidda oo ku beegan bishan Dul-xaj ama Carafo 10-da ayaana ah maalinta ay Muslimiinta Caalamka u dabaal-degaan Ciidda Al-adxa oo ka mid ah Labada Munaasbadood ee Ciidda Muslimiinta. Ilaa 20-Waddan oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Somalia, Syria, Yemen iyo Baxrayn ayaa la filayaa in Ciiddul-Adxa ee sannadkan loo dabaal degi doono maalinta Axadda ee soo socota.

 

Labo Waddan Carbeed ee Morooko iyo Cummaan waxay ku dhawaaqeen inay Ciiddi doonaan Maalinta Isniinta ee soo socota, oo aysan ciidi doonin maalinta Axadda ee isbuuca soo socda.

 

Sannad kasta, marka la gaaro 10-ka bisha Dul-xaj waxay dadka Muslimiinta u dabaal degaan Maalinta Koowaad ee Ciiddul Adxa oo la gawraco Xoolaha Udxiyadda ee ay dadka Muslimiinta isku casuumaan, loona qeybiyo hilibka Udxiyadda Bulshadda aan awoodin inay gawracdaan Xoolaha Udxiyadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray Magalada Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbalada Hoose waxaa Maanta gaaray saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya Ticabu Yilma, kaas oo u dhashay dalka Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin kale,waxana ay haatan kulan la leeyihiin Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka oo ay Saxaafadda dibad-joog ka tahay ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay uga hadlayaan sidii loo sugi lahaa Amniga Magalada Kismaayo inta lagu guda jiro Arrimaha doorashada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saraakiishaan ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan xubnaha Guddiga doorashada iyo sidoo kale musharixiinta,isla markaana ay kormeeri doonaan qeybo badan oo ka mid ah Magalada kismaayo.

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana Magalada Kismaayo saacadihii la soo dhaafay tegayay wufuud kala duwan, iyada oo shalay uu tegay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

12 Balanqaad Oo Reer Galmudug Ay Fulintooda Ka Sugayaan Ra’isul Waasaraha!

$
0
0

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Xasan Khayre ayaa todobaadkan ka soo laabtay safar uu muddo bil iyo 10 cisho ah ku joogay Galmudug.

Mudane Kheyre intii uu deegaankaasi joogay waxaa uu qabtay hawlo muhiim ah, oo ay ugu weyneyd in ciidamadii kooxda Suufida ee Ahlu-sunna lagu wareejiyey dowladda federaalka ah, lana qarameeyey.

Dhinaca kale, waxaa jiray ballamo uu Xasan Kheyre ka qaaday dadka reer Galmudug, kuwa siyaasadda  oo ay ku jireen dhismaha Galmudug oo mid ah, magacaabis guddi dib u heshiisiin iyo cabashada beelaha maalin kale ayaan ka hadli-doonnaa, laakin maanta waxaan halkan ku soo uruuriney ballamaha horumarineed, kuwaas oo fulintooda laga sugayo, laguna xisaabtamo ra’isul wasaare Kheyre  maalmaha ama bilaha soo socda.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Labo iyo Toban(12) Balanqaad oo Laga Sugayo Fulintooda:

  1. Ugaas Nuur Airport:Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxyaabaha uu dadka deegaanka Dhuusamareeb ka balanqaaday waxaa ka mid ahaa dhismaha garoonka diyaradaha ee Ugaas Nuur.
  2. Isbartiibada Dhuusamareeb:Dhalinyarada reer Dhuusamareeb waxaa ay Kheyre ka sugayaan balanqaadka ah dhismaha garoonka kubadda cagta.
  3. Laamiga Dhexmara Dhuusamareeb:Waxaa uu kale uu isla Dhuusmareeb ka balanqaaday dhismaha waddo laammi ah oo dhex marta magaalada.
  4. Biilka Ciidanka: Waxaa uu ra’isul wasaare balan-qaaday in ciidamada la diiwaan-geliey ee Galmudug ay biil dowladda federaalka ah bixiso qaadan-doonaan bisha August 2019-ka.
  5. Cadaado:Ra’isul wasaare Xasan Kheyre intii uu Cadaado joogay waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin, odeyaal, dhalinyaro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee deegaanka. Arrinta ugu muhiimsan ee uu balanqaaday marka laga soo tago in Cadaado aanu ka qaadin doonin maqaam ay heysato, hadana waxaa uu balanqaad u sameeyey guddiga is-xilqaan, oo dhisay goobo muhiim ah oo xero ciidan ku jirto.

Koonfurta Galkacyo:

  1. Garoonka Cabdullahi Ciise:Waxaa Xasan Kheyre oo dadweyne halkaasi kula hadlayey uu balan-qaaday inuu dowladdiisa ay qurxin-doonto, lacagna gelin-doonto isbartiibada.
  2. Jidadka Baladweyn Ilaa Galkacyo: Waxaa uu reer Galkacyo ugu bishaareeyey  in xukuumadiisa ay saxiixday heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Baladweyne ilaa Galkacyo.
  3. Hoyga Nabadda:Ra’isul  wasaare Xasan Kheyre waxaa uu dhagax dhigay  “Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo”, isaga oo sheegay iney tahay sharaf u soo hoyatey Galmudug iyo Puntland, lama oga waxa ay uga qeyb qaadatay xukuumadiisa.
  4. Agabka Ciidamada Isku Dhafka Galkacyo:Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu reer Galkacyo u sheegay inuu halkaasi u tagay inuu agabka u dhameystiro ciidamo isku dhaf ah, oo halkaas laga hirgeliyey booqashadii madaxweyne Farmaajo kadib.
  5. Waqooyiga Galkacyo iyo Cawaale: Waxaa uu balan-qaaday dhismaha garoonka Cawaale ee waqooyiga Galkacyo si dhalinyarada uu uga farxiyo.
  6. Dib-u-heshiisiinta Xeraale iyo Huurshe: Mar uu Huurshe joogay waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay soo diryso guddi kala shaqeeya dib u heshiisiinta iyo wax walbo ay tabanayaan Halkan Xeraale uu ka sheegay in aanu magaalada ka tagi-doonin iyada uusan xalin wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya Huurshe.
  7. Qaanta Kheyre:Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo nala hadlay waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu deegaanka ka soo tagay isaga oo si gaar ah lagu leeyahay lacag badan, ilaa hadda lama bixin lacagihii lagu soo dhoweeyey magaalooyinka uu tagay ee Galmudug, lama bixin qarashkii  gawaarida galbinayey, goobo deegaanka, cunto, boorar, hawlo farsmo, qaban-qaabo iyo abaabulka dadweynaha socday muddadii uu halkaasi joogay.

Muxuu Fuliyey Ilaa Hadda?

Garoonka Cawaale: Waxaa uu bixiyey qarashka uu balanqaaday ee garoonkaasi Cawaale ee waqooyiga Galkacyo.

Biilka Ciidanka: Waxaa la bixiyey mushaaraadka ciidanka la diiwaan-geliyey.

Ugu dambeyntii, lama suga sida ay u fuli-doonaan balamahan cusub ee ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyada oo aan weli la fulin balamo uu Janaayo 2018-kii sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,  kana qaaday bulshada Galamudug, isaga oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed, oo ilaa hadda waxba ka soo naaso cadeyn.

 

 

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live