Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanke Kenya Oo Feeray Xildhibaanad

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Xildhibaan Rashiid Amiin oo ka tirsan Barlamaanka dalkaasi, lagana soo doorto Degmadda Wajeer Bari ayaa la sheegay inuu u gacan qaaday Faadumo Geedi Cali oo ah Wakiilka Haweenka Wajeer u matasha Barlamaanka.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Xildhibaanka falkaasi ka geystay Barxadda Dhismaha Barlamaanka ee magaalladda Nairobi.

Xildhibaano iyo Saraakiisha Ammaanka ee ilaaladda ka ah dhismaha Barlamaanka ayaa la sheegay inay si naxariis-darro ugu eeganayeen dilka loo geystay Faadumo Geeddi Cali.

Wargeyska The star waxa uu qoray inuu Xildhibaan Rashiid Amiin ka codsaday Faadumo Geddi oo ka mid ah Guddiga Miisaaniyadda ee Barlamaanka inuu ogaado sababta dadka Deegaankiisa Wajer Bari loo siin la’ yahay Kharajka safarkii ay Guddiga Miisaaniyadda dhaw aan ku tageen Deegaankaasi.

 

Faadumo Geedi oo la hadashay Wargeyska The Star waxay sheegtay inay Xildhibaanka isa salaameen, kadibna uu dood ka keenay lacagahaasi, balse ay u sheegtay inuusan isagu joogin Deegaanka, iyo inuusan isku keenin dadkiisa, si uu u soo gudbiyo kiiskooda.

 

Waxay intaasi ku dartay inaysan Xildhibaanka ka filaynin inuu iyada ku tilmaamo qof wasaq ah, iyo inuu  garaaco.

“Waan ka argagaxay, waana rumeysan waayey dhacdadaasi, mar kale ayuu igu soo laabtay oo I feeray” ayey tiri Faadumo Geeddi.

Haweeney kale oo  lagu magacaabo Gladys Wanga oo ah Wakiil ka tirsan Barlamaanka Kenya oo la socotay Faadumop Geeddi ayaa u  xaqiijisay The Star inuu Faadumo Geedi wejiga laga garaacay oo uu dhiig ku yaallay wejigeedaa.

Waxay intaasi ku dartay inay la yaabtay in uu qof ay shaqo wadaag yihiin uu feero haweeney Xildhibaanad ah.

Dhinaca kale, Faadumo Geedi waxay u carartay Isbitaalka Karen, halkaasi oo Gargaarkii 1-aad loogu fidiyey, ka hor intaysan dacwadeeda u gudbinin Saldhiga Boliska ee Barlamaanka Kenya.

Dhinaca kale, mar uu Wargeyska The Star la xiriiray Xildhibaan Rashiid Amiin ma uusan beeninin, mana xaqiijinin eedeynta loo haysto, wuxuuna sheegay inuu  u jawaabi doono Boliska.

Xigasho: The Star

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Sawiro:-Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda oo kulan yeeshay

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

 

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha’ Khadiija Maxamed  Diiriye, taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida, xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, maamulka Gobolka Banadir iyo Abwaanno.

 

Shirka ayaa lagu lafa guray, sidii loo diyaarin lahaa goobaha ku habboon ee lagu qaban doono xuska iyo xafladahaha dabaaldegyada, adkeynta amniga iyo diyaarinta Suugaanta xoriyadda, in la diyaariyo goobo wacyi galineed oo dadka lagu xasuusiyo waddaniyadda iyo halgenkii loo soo maray madaxbannaanida.

 

26-kii June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Ciiddeena, ayaa waxa ay gobollada waqooyi badax bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxaana Shan Cisho ka dib 1-dii July gobanimada ka qaatay Isticmaarkii Talyaaniga gobollada Koofureed ee dalka, iyagoo isla xilligaana ku midoobay Jamhuuriayadda Soomaaliya.

 

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee maanta yeeshay kulankoodii Labaad, ayaa waxaa 9-kii Bishan magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, si ay u abaabulaan xuska maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Sawiro:-Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ay yeeshaan Gollaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arimaha Amaanka ,Dhaqaalaha, Siyaasadda, waxaana warbixin ku Aadan Amniga laga dhageystay wasiir ku xigeenka wasaarada amniga gudaha KGS isaaq Baarrow isaaq waxaana uu ka warbixiyey howlgalada ay wadaan Ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM  ee ka socda Gobolka shabeellaha Hoose kaasi Al-shabaab dalka looga saarayo.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka koonfur Galbeed waxaana warbixin ku aadan habsame usocodka shaqada ay ka dhageysteen Golaha wasiirada iyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ,

Shirka ayaa waxaa si weyn looga hadley Dhacadadii Foosha Xumeed Ee ka dhacdey Deegaano hoos yiimada Magaalada Dhuusmareeb, oo lagu diley Shacab ganacsata ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ,

 

Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu Horeeyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa tacsiyo tiiraayo le ay udireen eheladii iyo qarabadii ay ka geriyooden dadkaas, waxaana ay xuseen in sida ugu dhow lagu soo qabanaayo dadkii dilka ugeystay dadkii shacabka ahaa Ee aan waxba galabsan iyadoona ay la kaashan doonan Dowlad Goboleedka Galmudug ,lana horkeeni Doono Sharciga.

 

Shirka oo ahaa mid inta uu socday badankiisa diirada lagu saarayey arimaha dilka loo geystay dadkii shacabka ahaa Ee kasoo jeedey KGS ayaa markii uu soo cidlaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Koonfur Galbeed Xasan Abdi Maxamed .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Mogadishu Mayor Lauds Development And Security Progress In The City

$
0
0

The Mogadishu MayorAbdirahman Omar Osman “Eng.Yarisow” has said that the city has made commendable steps towards the attainment of security and development.

He said that although the city seen an upsurge in terror attacks in February, the partnership with the police established checkpoints manned by 3000 soldiers across  the 17 districts.

 He also highlighted that the introduction of stop and search of vehicles and  establishment and citizen policing had considerably reduced crime rates.

“For the last 3 weeks, on a daily basis, I chaired the security meetings between the security institutions and our administration, as well as representatives from the Ministry of Security and the Office of the PM. We discuss the findings of the evaluation and monitoring and share their analysis at the meeting”.

He lamented that despite the strides made, there were still challenges.

” I’d like to stress that despite our best efforts, we still have enormous challenges that we need to overcome, such as lack of resources that is preventing us in the implementation of Mogadishu security plan that has been proven to work in the last few months”.

He said they  have embarked on more community engagement and public awareness, during Ramadan, as I partook in the round checks of all districts, including Bakara Market.

He said efforts are being  made to find a lasting solution for the security and economic hardships faced by the region and it is a priority for us to find solutions for their standard of living, including at a minimum, access to adequate food, water, housing, health care and basic education and access to other essential items along with tenure security and protection of vulnerable groups such as women and children.

“I’m proud to highlight the recent achievement of the DSU, as we have established the first durable solution’s coordination working group in Mogadishu, the coordination forum brings together key governmental entities, UN agencies, NGOs and donors to synergize Durable Solution related interventions in Benadir Region and provide strategic guidance on delivering sustainable solutions to the lives of displacement affected communities. The Coordination takes place once every two months under the leadership of BRA and feeds regional plans toward displacement solutions”, said the Mayor.

He said that soon, they would commence the building on 300 housing units for IDPs.

“The issue of IDP is a global issue and needs global solution- better coordination is the only way out”

He also said that Benadir’s  Public spending is in line with available resources and development priorities of the  Regional Administration and Mogadishu Municipality.

“Transparency and accountability are features of our self funded public financial management system in BRA Mogadishu Municipality, one of the best in the country:

He lamented  that they faced have enormous challenges as people are not paying taxes, and our law enforcement not strong enough to enforce the collections- therefore in order to overcome this above mentioned challenges, we urgently need your support in this area, whether it be capacity building or budgetary support, until we are able to self sustain ourselves.

“I am confident in the spirit and resilience, we will be able to raise some funds, but we may still need your support in this area.I am also very glad to report to you the community of Yaqshid District came together, to build a 3 story building, which is almost complete, with the help of the community”, he said.

The four targeted districts were the ones doing more community engagement, service delivery, raising local taxes, where they we able to unify the community. I am very pleased to share with you that the people said enough is enough and all these districts are in the process of completing the building work, and soon will be fully functioning and serving the community. Terrorists destroyed our institutions, but we are determined to rebuild to show our resilience.

He said they  are building markets in Daynile, Karan, and areas devastated by recurring fires in Bakara Market. We are building Mogadishu Sports complex, Playgrounds, and a number of soccer fields, such as Qoobdore in Karan with the support of USAID TIS+.

“Under flood management scheme, we have renovated water catchment centres in KM4 and Hamarweyne, with the support of Norway via NIS. We have also renovated Bondhere watercatchment centre with the support through SSF, but we still need to do more on this area as we have a huge problem during rainy season. This year we were well prepared in preventing damages on flooding, even though the rainy season is still underway”

“We have begun the building of 19 community roads with the support of Germany via Wold Bank as the first community road building is underway in Hamar-Jajab district. I am very pleased that the EU has shown their commitment to support us in the remaining community roads in the city”

Her added  that  they  rehabilitated the Solar lights in some parts of the city, but we need more and more as lights will deter crimes and terrorists activities.

The rehabilitation of Mogadishu Stadium is underway, and once is completed it will hugely help  young people as sports activities can help us prevent our youths to join terrorists.

We now have Benadir Regional Roadmap inline with the FGS roadmap. On a weekly basis we have an accountability meetings, all sub groups of roadmap also meet weekly. The three thematic areas area Security, Politics & Juctice, Economic Development and Social Services.

We established Monitoring & Evaluation department that will ensure that all tasks are implemented. n terms of the implementation of our road map, it is without a doubt that we are facing resource limitation, especially in funding and technical capacity. We hope that the international partners will commit support for BRA road maps.

In the first quarter of this year and to date, we have achieved a number of our road maps and milestones. The key ones are as follows:

Finalization of Regional Procurement policy and it’s audit manual to ensure transparency, accountability, fair competition and value for money in all procurement practices we do.
We started roads infrastructure rehabilitation in Mogadishu including tarmac roads, interlock and feeder roads.
As I mentioned earlier, we have finalized the rehabilitation of 4 main water catchments in Mogadishu as well as drainage systems
To improve city cleaning and environmental protection, as Mayor, I signed a by-law for solid waste management for Mogadishu to ensure lawful enforcement regarding sanitation/Hygiene in the city
We finished first phase of Municipal employee biometric data to improve accountability as well as capacity development
We have started to review and streamline the municipal Financial management policy and manual in line with the BRA FMIS which is key policy for the Financial control, transparency and integrity”

We are in the process to finalizing the Benadir Development Plan, that went through series consultation with key stakeholders and yesterday we held one of these consultation where representatives from ministries of the FGS were present. BDP is inline with the National Development Plan. It sets out our key priorities- that consists of 6 key thematic areas:

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Meet the journalist seeking to be Jubaland’s president

$
0
0

Jubaland presidential candidate Abdalla Ahamed Ibrahim, of Cahdi party, addresses the press at a Nairobi hotel on June 4, 2019, when he pledged to strengthen the relationship between Kenya and Somalia. PHOTO | COURTESY …………………..

In Summary

  • .Candidate Abdalla Ahamed Ibrahim said his rallying call was for Somalis to return to obedience for the law, unlike now when everyone chooses which bits to obey.
  • Contesting for the Jubaland presidency means he is up against the incumbent, Sheikh Ahmed Mohammed Islam Madobe, the former leader of the Ras Kamboni Brigade that allied with the Kenya Defence Forces (KDF) to chase the Al-Shabaab out of Kismayu in 2012.
  • Mr Ibrahim could also get into the local clan politics. Like the incumbent Madobe, he belongs to the larger Ogaden clan.
  • The Darood/Ogaden is the largest clan in Jubaland but there are also the Hawiye, the Diir, the Rahanweyn and others who form a political system of nominations known as ‘4.5’ to ensure equitable representation.

DAILY NATION | By AGGREY MUTAMBO – Abdalla Ahamed Ibrahim has largely lived as freelance journalist in Dhobley, Somalia. Now, the 44-year-old man is plunging into politics, vying for the presidency of the federal state of Jubaland.

But Mr Ibrahim first wants the election scheduled for August delayed.

In Nairobi, where he spoke to the Nation, he said his rallying call was for Somalis to return to obedience for the law, unlike now when everyone chooses which bits to obey.

“Jubaland and Somali Federal Government both deserve a president who respects the law and not one who is a slave of the political class,” he said, reflecting on his so-called ‘liberal’ ideology.

CONTESTANTS

Contesting for the Jubaland presidency means he is up against the incumbent, Sheikh Ahmed Mohammed Islam Madobe, the former leader of the Ras Kamboni Brigade that allied with the Kenya Defence Forces (KDF) to chase the Al-Shabaab out of Kismayu in 2012.

SOMETHING NEW

Yet Mr Ibrahim, despite his little experience in politics, says he is bringing something new. First, he says, he wants the elections delayed so that requisite legal amendments are done to make it harder for politicians to bribe voters.

“We know we can’t have one-man-one voter yet due to our security and logistical situation. But we can increase the number of delegates who can elect a president,” he argued.

In Jubaland, some three dozen delegates nominated by clan elders from districts eventually elect the president.

“These are too few. If I have the money, I can pay each one of them and they choose me. It is not free and fair at all. I propose that we raise these delegates to a number that is large enough to discourage bribery.”

REGION KEY

To convince the Jubaland populace to delay the elections could be a tall order, given that Madobe himself has allied with political leaders opposed to any delays.

He wants regional bloc, the Inter-Governmental Authority on Development (Igad) to help implement the changes.

But Jubaland itself is significant both to Somalia and Kenya. Rich in natural resources, it is also a region where KDF are situated.

It is also a region where a maritime dispute between Nairobi and Mogadishu is now a subject of a case at the International Court of Justice.

Somalia sued Kenya in August 2014, seeking to redraw the boundary in a move that could swing 100,000 square kilometres of sea rich in hydrocarbons to either side.

PATRIOTISM

Yet in Somalia’s political sphere, local politicians have shied away from publicly commenting on the issue.

One reason, observed Mr Abdirashid Hashi, the Director of Somalia’s think-tank the Heritage Institute, is that Somalis are a patriotic community and the matter has become a key political issue where perceived traitors are thrown off.

“No Somali official and citizen will cede any inch of land or ocean or wealth underneath it to Kenya because Somalis feel others are trying to exploit them,” Mr Hashi told the Nation.

“They also believe that Kenyan officials and foreign business interests who see Somalia as a weak state decided to help themselves to what is Somalia’s.”

BORDER DISPUTE

For Ibrahim, however, the matter has been partly messed up by the government in Mogadishu.

“The boundary dispute is unfortunate. I want to make clear what role Jubaland plays in resolving it because these resources are in our region. So far, people in Jubaland do not know what it is all about,” he said.

“Under normal circumstances, Somalia and Kenya do not need a third party to solve their differences so I think there is little consultation between the government and federal states, which needs to change.”

As it is now, only Mogadishu can withdraw the case, something it has indicated it will not.

CLAN POLITICS

Back to Jubaland elections, Mr Ibrahim could also get into the local clan politics. Like the incumbent Madobe, he belongs to the larger Ogaden clan.

Sheikh Madobe has had his wrangles with other clans and has been trying to mend his relations with Mogadishu.

The Darood/Ogaden is the largest clan in Jubaland but there are also the Hawiye, the Diir, the Rahanweyn and others who form a political system of nominations known as ‘4.5’ to ensure equitable representation.

Besides clans, the legacy to be left behind by KDF and the perceived interests by the Middle East countries could determine who wins; according to Dr Sheikh Abdiwahab Abdisamad, an analyst on the Horn of Africa issues for SouthLink Consultants.

According to the transition plan, Somalia is due to hold parliamentary elections in the next 18 months.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Faah Faahin: Dad lagu laayay duleedka magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Ku dhowaad 10 ruux ayaa caawa lagu dilay duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo xiisad ka dhaliyay magaalada.

Dadkan lagu laayay duleedka Gaalkacyo ayaa dilkooda ka dambeeyay markii kooxo hubeysan ay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dhiif.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan la dilay ama la xasuuqay oo gaaraya 9 ruux loo dilay heyb ahaan, iyadoo dableyda dilka geystay ay u aaneynayaan dilka wiilka dhalinyarada ee marki hore lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taala Koofurta Gaalkacyo.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay in dadka ay dileen ka uruuriyeen gudaha magaalada, dabadeedna ay geeyeen duleedka, halkaasoo ay ku xasuuqeen.

Meydadka dadka lagu xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa la isugu geeyay Isbitaalka, waxaana arrintan ka dhalatay fitno qabiil.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Ciidamada Liyuu Boolis oo duugay baraago ay lahaayeen xoolo dhaqato

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  – Ciidamadda Liyuu Boliiska ee Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa duugay baraaggo ay lahayeen qaar kamida dadka deegaanka ee Xoola dhaqatada ah.

 

Baraagaha ay duugeen Ciidamadda Liyuuga ayaa inka badan 10 sano waxa ay ka qodnaayeen Tuuladda Qalax oo 30 km dhanka waqooyi ka xigta deegaanka laba baar oo hoostaga Degmadda Shiilaabo ee Xarunta Gobolka Qoraxeey.

 

 

Xoolo dhaqatada ayaa waxay Baraagahani ku keydsan jireen Biyaha si ay u cabaan sidoo kalana ay xoolahooda uga waraabsadaan.

 

Sababaha keenay in Barkaddahani la duugo ayay Odayaasha Degaankani ku shegeen in uu yahay Qorshe lagu barakicinayo Dadka Degaanka ama lagu dhibaateynayo.

 

Odayaasha ayaa intaa ku daray in arintani xadgudbka ay sameeyeen Ciidamadda Liyuuga uu wax ka ogyahay Madaxweynaha Ismaamulka Mustafa Cagjar isla markaana uu Beshiisa ugu raadinayo dhul balaarsi si qabiiladda kale Degaanka wax ka daga meesha looga saaro ama looga barakiciyo.

 

Odayaasha ayaa ugu baaqay Dowladda Ethiopia iyo Hay’addaha xuquuqul insaanka in arrintan si deg deg ah kusoo faragaliyaan taasi oo keeni karta hadii ay sii socoto isku dhacyo dhexmara Qabiilada Degaaankaasi wada dagan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

WARARKA Kalfadhigga Baarlamaanka oo maanta dib u furmaya

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta dib u bilaabaan kulamadoodii kadib markii ay fasax ka soo laabteen.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku yimid hakad ka dib Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

 

 

 

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa hareeyay kooram la’aan kadib markii xildhibaanada baarlamaanka oo ubadan golaha wasiirada ay soo xaadiri waayeen shirarka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa hore ugu digey xildhibaanada baarlamaanka ka baaqsashada kulamada golaha shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Shirka Qurbo joogta Soomaalida oo looga hadlay Maalgashiga dalka lagu sameysan karo.

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaa lagu qabtay shirkii 5-aad ee Qurba joogta oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Soo bandhigidda furshadaha aro Maalgashiga, kala xog qaadashada qurbo joogta, dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dhalinayrada.

 

Jawaahir Daahir oo ah Gudoomiyaha Golaha caalamiga ee Qurbo joogta Soomaalida ayaa sheegtay in ganacsatada Turkiga ay kala hadleen sidii ay Maalgashi ugu sameysan lahaayeen Soomaaliya.

 

Waxa ay intaa ku dartay in ay daneynayaan in indhaha Caalamka ay kusoo jeediyaan fursadaha ka banaan ee Mudan in dadka hantida heysta ay maalgashadaan.

 

Gudoomiye Jawaahir ayaa sheegtay in isbadal muuqda uu dalka ka jiro, sidaas awgeed ma huraan ay noqotay in laga shaqeeyo sida loo dardar gelin karo dhaqaalaha Dalka.

 

Waa ay sii hadashay waxa ay intaa ku dartay in Dadka Soomaalida ay dalalka kala duwan ee ay ku nool yihiin la tageen fikrado lagu hormarinayo, iyagane ay doonayaan in dadka hantida heysta ku dhiira-geliyaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

 

Golaha Qurba joogta ayaa sanadkiiba Mar shira, waxaana ay soo bandhigaan waxqabadkooda iyo qorshe howleedkooda sanadka xiga

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Koofur Galbeed oo ka hadashay dadka xalay lagu laayay Gaalkacyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay sagaal qof oo ka soo jeeda degaannadaas.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa sheegay in dhamaan dadka lagu laayay Gaalkacyo ay ka soo jeedaan degaannadooda.

Waxaa uu sheegay in Maamulkooda uu baaritaan ku wado sababta iyo cidda dishay dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee lagu laayay Gaalkacyo.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dadka deggan Magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda Koofur Galbeed aysan xalay guryahooda seexan.

Dhawaan ayey ahayd markii 4 qof oo ka soo jeedda degaannada Koofur Galbeed lagu dilay degaanka Bulacle ee Gobolka Galguduug.

Maamulka Galmudug ayaa horay u beeniyay in dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed lagu amray in ay isaga baxaan degaannada Galmudug, kaddib markii warkaas ku faafay baraha Bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Muxuu ka yiri Xasan Sheekh Maxamuud dadkii lagu laayay Gaalkacyo?

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareeyay dad Shacab ah oo xalay lagu laayay Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ka dib markii Koox degaanka ah ay ku eedeeyeen in ay dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay laamaha Amniga Galmudug in ay si deg deg ah baaritaano ugu sameyaan dadkaasi, islamarkaana Caddaaladda la horkeeno Cidii  ka dambeysay dilka.

“Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa Risaala u sheegay in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug, islamarkaana dadka degaanka ay ceyradeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo dambi lagu waayay

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Maxkamad ku taalla Dalka New Zealand ayaa dib u dhegeystay dacwadda ka dhanka ah Brenton Tarrant, oo saddex bilood ka hor dad ka badan 50 qof ku dilay Masaajiddo ku yaalla Christchurch New Zealand.

Qareenka difaacayay Brenton Tarrant, ayaa sheegay in lagu soo oogay 92 dacwadood oo uu midkood ahaa argagixisanimo, laguna waayay dhamaantood.

Dhegeysiga dacwadda waxaa fadhiyay 80 xubnood oo ah ehelka dadkii uu ku laayay Masaajidda,waxaana Maxkamadda amartay in Ninkan uu ku sii jiro Xabsiga ilaa Bisha August ee sanadkan.

Waxaa kale oo ay sheegtay in 4ta May 2020 si rasmi ah loo dhegeysan doono dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa todobaadkii hore ogolaatay in sawirrada Ninkan la daabici karo markii ay mamnuucday weerarkii kaddib.

Cameron Mander, oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Ninkan la maxkamadeyn karo islamarkaana miirkiisu taam yahay kaddib baaritaan dhanka maskaxda ah oo la mariyay.

Markii uu weerarkaas dhacay Ra’isalwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa mamnuucday in Ninkaas magaciisa loogu yeero,waxaa ay amartay in argagixiso loogu yeero.

Waxaa ay sidoo kale wax ka beddel ku sameysna nidaamka heysashada hubka gudaha dalkaas ilaa uu Baarlamaanka meel mariyay nidaam cusub oo xaddidaya heysashada hubka daran doorriga u dhaca.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Qarax ka dhacay goordhow magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo gaariga qarxay rasaas ay ku fureen ciidamada ammaanka kahor inta uusan qarxin.

Lama oga qasaaraha uu geystey qaraxa hase yeeshee waxaa uu qaraxan dhacay xilli xildhibaanada baarlamaanka ay ka soo baxayeen Xarunta Golaha Shacabka oo maanta uu ka socday kulan ay xildhibaanaduu yeelanayeen.

Wixii ku soo kordha wararka qaraxa kala soco jowhar.com

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Meydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo la’aasay

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa lagu aasay magaalada Qaahira saacado uun ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad dhexdeed.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska ka qaybgalay.

Waxaa loo diiday in ay maydka qaataan si ay ugu aasaan deegaankii uu ku dhashay bulshaduna uga qayb qaadato aaskiisa.

Madaxweynahan hore oo diinta Islaamka ku dhaganaa ayaa xabsi ku jiray lix sano ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013.

Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Kenya oo beenisay in Cudurka Ebola uu ka jiro dalkeeda

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Kenya ayaa xaqiijisay in kiis looga shakisanaa cudurka Ebola baaritaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuusan dalkeeda ka jirin cudurkaas, xilli wadamada Uganda iyo Dr Conco ay la tacaalayaan cudurkaasi halsita ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya Sicily Kariuki ayaa sheegtay in Kenya ay hadda xor ka tahay Ebola, balse aysan yaraysan doonin halista cudurkaasi ku hayo wadamada gobolka.

Gobolka Kericho ee xiga dhinaca Uganda ayaa hooraantiii todobaadkan lagu arkay kiis looga shakiyey astaamaha cudurka Ebola, balse baaritaanada ayaa xaqiijiyey in jirada haweeneyda 36-sano jirka ah aysan la xiriirin cudurkaas.

Dulucda cudurkan ayaa ah dalka DR Concog oo dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ugu dhinteen dad ka badan 1,400 oo qof.
Talaal tijaabo ah oo ay samaysay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka dalka Uganda, si loo yareeyo halista cudurka, kaas oo sidoo kale laga fuliyey deegaanada halista ugu jira Ebola ee dalka Congo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 


Somalia Oo 33 Sanno Kadib Dib Ula Soo Laabatay Codkii Ay Ku Lahayd Urur-Waynaha Shaqalaha Aduunka

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dib u hesho codkii ay ku lahayd urur-weynaha shaqaalaha adduunka, kaddib dadaallo dheer oo arrinta ay u gashay xukuumadda.

Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd codaynta,balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo.

Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa.
“Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka.

Wasiir Sadiiq Wafaa, ayaa muujiyay siyaasadda xukuumadda ee ku dhisan dib u gaajinta shaqaalaha iyo shaqa abuurka inay arrintan gacan-weyn ka geysan doonto, isagoo marka tilmaamay waxa ugu weyn ee uu dhiniciisa dadaalka galiyay inay ahayd sidii sannadkan loogu guuleysan lahaa dib u helidda codkii ay Soomaaliya ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka.

“Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala caddeeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka, isagoo marka tilmaamay inay waxyaabo badan ka dhax-li doonaan xayiraaddii laga qaaday codaynta ee ka saarnayd hay’adda shaqada adduunka ee ILO muddadii 33ka sanno ahayd ee la soo dhaafay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Yuusuf Dabageed oo diiday in uu xilka wareejiyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa wali ku dheggan in uu yahay Guddoomiyaha Gobolkaas.

Kulan xalay Magaalada Baladweyne ku dhexmaray Guddoomiye Dabageed iyo wafddi ka kooban Wasiirro iyo XIldhibaanno ayaa ku soo dhamaaday is afgaran waa.

Yuusuf ayaa u sheegay Guddiga in Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin isaga oo dalka dibaddiisa jira,waxaana uu sheegay in xilka qaadistaasi ahayd mid sharci darro ah.

Waxaa uu sinnaba u diiday in uu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee lo magacaabay Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu soo jeediyay in xil wareejintiisa ay go’aankeeda leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan iyo Bulshada sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Baladweyne waxaa wali ka socda xal loo raadinayo xiisadda ka dhalatay xilka qaadista Dabageed oo sababtay dhimashada Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan kaas oo uu magtiisa bixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Kenya: “Norway waxaa ay laba wajiileyn ku heysaa Somaliya iyo Kenya”

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Dowladda Kenya ayaa mar kale weerar afka ah ku qaadday Dowladda Norway waxaana ay ku eedeysay in ay iska dhigeyso dal ka qeyb qaadanaya nabadda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation hayeeshee magaciisa qariyay ayaa sheegay in Kenya aysan ku faraxsaneyn hab dhaqanka dowladda Norway ay ka dhex waddo Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaalkaas ayaa sheegay in Sharikadda DNO ee ay leedahay Dowladda Norway si toos ah uga dambeyso muranka dhinaca Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ruqsad uga heysato in ay shidaal ka baarto halka ay ku muransanyihiin labada dal.

Kenua waxaa intaas ku dartay in doodda Soomaaliya ee ku aaddan halka lagu muransanyahay ay salka ku heyso dano ganacsi,waxaana ay ku baaqday in Soomaaliya ay Ruqsadda kala noqoto sharikaddaas.

Dhinaca kale Golaha amaanka ee Qarama Midoobey ayaa dowladda Kenya uga digay sii hurinta khilaafka labada dal oo sababi kara in amaanka gobolka uu faraha ka boxo.

Isha: Daily Nation

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Mareykanka oo sheegay in xubno ka mid ahaa Al-shabaab uu ku dilay Degmada Jilib

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in 16kii Bishan June oo ku beegan Axaddii ay labo weerar ka geysteen gudaha SOomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in labo ka mid ahaa Al-shabaab ay ku dhinteen weerarradaas oo ka dhacay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Warka Mareykanka ayaa intaas ku daray in uusan jirin khasaare ay duqeymahaasi u geysteen dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Jilib iyo hareeraheeda.

Duqeynta Mareykanka ayuu taliska Africom ku sheegay in ay qeyb ka tahay howlgallada Mareykanka ee lagu caawinayo dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Al-shabaab ayaa todobaadkan weerarro waaweyn ka geystay gudaha Soomaaliya iyo Kenya waxana isu geyn ku dhintay dad ka badan 25 qof.

Weerarro ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 10 qof,waxaa sidoo kale weerar ka dhacay Wajeer ku geeriyooday 12 ka mid ahaa Ciidanka Booliska ee Dalka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

DEG-DEG:-Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub) oo ku geeriyooday Adis ababa

$
0
0

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub ayaa waxaa uu maanta ku geeriyooday Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Geerida Abwaan Sangub waxaa xaqiijiyay Abwaan Xirsi Dhuux oo ah Guddoomiyaha  Golaha abwaannada Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Singub.

Abwaan Sangub waxaa uu waayadii dambe ku xanuunsanayay Muqdisho waxaana dhawaan loo qaaday Dalka Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live