Maarso-13-2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe. Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin [...]
↧