Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 oo caawa ka furmaya Paris

$
0
0

Muqdisho, June 10, 2016: Koobka kubada cakta dalalka Yurub ee sanadkaan loogu magac daray Euro 2016 ayaa fiidnimada caawa ka bilaaban doona dalka France, xilli amaanka wadankaasi aad loo adkeeyey.

Dalka Faransiiska wali wuxuu ku jiraa xaalad dag dag ah kadib weerarki kooxda Daacish ay ku qaaday magaalada Paris bishii November ee sanadki hore markaas oo ay dileen dad ka badan 130 ruux.
In ka badan 90,000 oo isugu jira boolis, milatari iyo ciidamo dharcad ah ayaa ka qeybgaaya sugida amaanka goobaha ay ka dhici doonaan ciyaaraha oo la filayo in ay daawan doonaan dad ka badan todobo malyan oo taageerayaal ah.

Ciyaarta furitaanka waxaa caawa isaga hor imaan doona dalka martigelinaya ee France iyo xulka Romania.

Kooxaha ka qeybgalaya oo waxaad kaga bogan kartaa shaxdaan hoose.

 

The Euro 2016 draw
Group A Group B Group C
France England Germany
Romania Russia Ukraine
Albania Wales Poland
Switzerland Slovakia Northern Ireland
Group D Group E Group F
Spain Belgium Portugal
Czech Republic Italy Iceland
Turkey Republic of Ireland Austria
Croatia Sweden Hungary

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles