Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Shaqaalaha dowladda oo labo maalmood oo fasax ah la siiyay

$
0
0

Muqdisho, May 1, 2016Iyadoo ay maanta tahay 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka ayaa Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay muddo labo cisho fasaxday dhamaan shaqaalaha dowladda meel kasta oo ay wadanka ka joogaan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada ayaa sheegay in maalinta Shaqaalaha adduunka ay tahay maalin muhiim u ah shaqaalaha, isagoo xusay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga aheyn ay fasaxeen, si ay uga faa’ideystaan maalintan gaarka ah.

“Shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga laheyn labo maalmood ayaa la fasaxay, maadaama maanta ay tahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha adduunka, shaqaale kasta oo Soomaaliyeed xuquuq gaar ah ayuu leeyahya”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Munaasabado lagu xusayo maalinta shaqaalaha adduunka ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in munaasabadahaas ay ka qeyb galaan Mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyo Bulshada rayidka ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Trending Articles