Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Baarlamaanka oo saaka la horkeenayo hanaanka doorashada 2016

$
0
0

Muqdisho, April 30, 2016Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la hor-keenayaa go’aankii doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay dood dheer ka yeeshaan qodobada qaar.

Cumar Cabdirashiid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa hortagaya Baarlamaanka, si uu ugu sharxo hanaanka doorashooyinka iyo qorshayaasha xukuumadiisa uga degsan, sidii looga gudbi lahaa marxalada hada lagu jiro.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybinayaa heshiiska ay Muqdisho ku saxiixeen Madaxda madasha wada tashiga qaran 12-kii bishan April, iyadoo marka ay soo akhristaan dood gelin doona.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada laga yaabo inay wax ka bedel ku sameeyaan qodobada hanaanka doorashooyinka in an la hubin.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa hor-dhigi doona Xildhibaanada Baarlamaanka qorshe muddo labo bilood loogu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada, iyadoo xilliga horay loogu balamay oo aheyd bisha September ay ka dib dhaceyso oo la gaarsiinayo bisha December ee dhamaadka sanadkan 2016.

Muddo kordhinta loo sameeyay doorashada ayaa loo arkaa mid Xildhibaanada Baarlamaanka ay galaan gal ugu sameyn karaan sidii ay mar kale dib u soo laabtaan, maadaama xilligii horay loo qorsheeyay oo ah bisha September ay ka harsan tahay afar bilood kaliya, isla markaana Baarlamaanka kalfadhigiisa u soo xirmayo bisha Agosto, balse la arki-doonee wixi ka soo baxo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Trending Articles