Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledwayne

$
0
0

Beledwayne, March, 22, 2016 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xubnaha labada Golle ee Dawladda ayaa maanta gaaray magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan si loo guda galo dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxana inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Beledwayne si looga gudbo tabashada ay qabaan dadka deegaanku.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahadceliyey shacabka ku dhaqanka Gobolka Hiiraan sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Degmada Beledwayne, wuxuna sheegay inta uu joogo gobol in uu la kulmi doono dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka iyo cid walba oo jecel nabadda iyo horumarka deegaanka.

rw-cc-sharmarke-2 rw-cc-sharmarke-3 rw-cc-sharmarke-4

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Trending Articles