Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

“Ministry of Foreign Affairs and Investment Promotion”

$
0
0

TACSI …( FAAFIN DEG DEG AH )

  Fri, September 25, 2015 9:06 am

Innaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Iyadoo raali lagu yahay awoodda iyo go’aaminta Allah, ayaa waxa aanu tacsi u direynaa Xukuumadda Boqortooyada Saudi Arabia iyo Ummadda Islaamka dhacdada isbuurashada ee xilliga dhagax ganidda Muna, taasoo sababtay boqolaal dhibanayaal ah oo ka mid ah martida Allah oo wada noqday shuhado iyo dhaawac, waxaan Allah ka baryeynaa inuu Shuhadada hugiyo naxariistiisa, dejiyana Janooyinkiisa, dhammaan eheladda ay ka tageenna Samir iyo iimaan, waxaan kale oo Allah ka baryeynaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo dhaawacyada .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa soojeedinta qiimaha leh ee Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud si baaritaan degdeg ah loogu sameeyo qaabka ay dhacdadani ku dhacday, lana raad-raaco qorshayaasha lagu hagayo Xilliga Xajka, lana dedejiyo baaritaanka si loo qaado tallaabooyinka laga maarmaanka ah ee looga gudbayo dhammaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka si ay ugu suuragasho martida Allah gudashada Xajka si raaxo leh oo xasilooni ay ku dheehan tahay,iyadoo aan la eegeyn waxa baaritaanku soo saaro.

Naga gudooma Tacsi murugo iyo tiiraanyo xambaarsan ,,

1px

Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles